Axdigii ayaan sidaa, adiguna nabsiga qaado

Axdigii   ayaan sidaa ,    Adiguna nabsiga qaado, wa sheeko jaceyl oo xiiso leh hadaba sheekadan aya waxeey ubilaawaneeysaa sida tan,

liibaan waa wiil somaaliyeed misna da’yar waxuuna jiraa 22 sano isagu waxuu ahaa wiil aad ufir fircoon misna yaqaano la dhaqanka bulshada oo la noolyahay liibaan waxuu aad ujecelyahay dhageesiga heesaha gaar ahaan heesaha soomaliga ah , liibaan waxuu ku noolyahay wadanka Djabouti.

markuu in muda ah ku noola ayuu goaansaday in oo  qabto kenya si uu nolashiisa ugu hormariyo una helo leen si uu yurub u aado,

liibaan waxuu yimid kenya  gaar ahaan magaalada nairobi inkastoo la qabsan waaye kenya ayuu goaansaday inuu yeesho yeesho lamaane misna helo gabar ku dabeecad ah si uu uhelo wehel , taas ayaa isagu ku qaadatay mudo   in uu raadiyo
Liibaan waxeey xiriir walaaltinimo ku dheehan tahay yeesheen gabar iyadana lagu magacaabo Dahraan.

Dahraan, waa gabar aad u da yar misene aftahan ah  Taas ayaa keentay in uu liibaan la sxbo.

Liibaan iyo Dahraan” waxeey ahaayeen laba walaal tinimda isku qiimeeyo .

Liiban isagu wuxuu wali baadigoob ugu jiraan sidii uu ku heli lahaa   lamane wanaagsan , Liibaan oo habeen fikiraya   lana hadlaya qalbigiis ayaaa yiri.

Waxaan jeclahay in aan helo gabar aad u wanaagsan ma heesto laaakiin buu yiri .
Dahraan,  oo aan is fahanay dhanka dabeecada iyo la dhankeenaba   hadaan iyada lamaane ka dhigto side noqoneeysaa!  maya maya ma yeeli karo oo waxaan nahay sxbo caadi ah laakiin buu yidhi i sagoo lahadlaya qalbigiisa , Aduunyadu waxaa ugu wanaagsan labo sxbo ah misena jaceyl isku badala sxbtinimadooda   oo waxeey noqonayaan laba dhan kasta isku fahmi karaan, liibaan wuxuu go’ aansaday in uu Dahraan” u ban dhigto jaceylkiisa , habeenkii xigay uyuu Liibaan intuu u yeeray Dahraan” ku yiri, Caawa waxaan kaa lee yahay arin ee ina keen aan dibada u baxnee, Waa lees wada raacay oo meel dhinac ah ayaa loo baxay si loo wada sheekeysto .

Dahraan” iyadu ma oga wixii   loo soo kaxeeyay laakiinse la   ogaan doonee
Liibaan aya hadalkiisa ku bilaaway,

            inan yaheeey

          Amiintii alla keenaba

          Amaan iyo sharaf

            Aqlaaq iyo aqoon

            Asluub iyo itaal

            Allahey inuu ku siiyo

            Ayaan kuugu duceynayaa
            Anigoon waxba dhadhamin

            Afkeyga   wax   marsiin

            Albaabka     aqlkiina

            Aragtidaada   aawadeed

            Soo   uma   daawado

            Oraah deydana waa

              Inaad I adeecdoo

            Afadeydii noqotaa

Intaas ka dib ;Dahraan ayaa dhabanada qabsatay kuna tiri, Aboowe sideey   kaa noqotay aniga waxaan ahay walaashaa waxaana naga dhaxeeyso sxbtinimo caadi ah   xitaa waxan lee yahay   bey tiri lamaane!

Liibaan dhulkii baa la gariiray dhididna ka soo daatay Sidaan oo kale ayeey u dhib badan tahay wixii lagu fududaado
  Oo horaa loo yiri “:keedkii orod lagu koraa orodbaa loogu soo dagaa”

Liibaan isagu ma uusan hubsan in Dahraan” lamane kale leedahy
Meeshii ayeey ugu dhaqaajisay liibaan markaas ayaw geeraarkan ku dhuftay.

                                    Waxaan daaqayaa

                                    Dan iyo jaceyl

                                    Waxaan   daawanayaa

                                      Dooq iyo haween

                                      Sidey ii daandaansheenoo

                                      Darbiyada iigu tureen

                                      Dabagal maanan yeelan

                                      Dabasocod maan sameynin

                                        Durbaba   haf     baan

                                        Lasoo idhi danteydee

                                          Dabool baan ka qaaday

                                          Laabta wixii iigu daboolnaa

                                          Dagaal   iyo     caashaq

                                          Yaan lagu degdegin

                                          Hadeynan ku soo doona.

liibaan wuxuu bilaaway in uu dhageysto heesaha jaceyl ka ah taas oo aay ka wada siman yihiin lamaanayaasha markii midkood kali dareemo ama cidlo,

liibaan dhibaatada heysato oo eheed ninkii bashaashka ahaa oo aan hadli karin sheekaba iska daayee ninkii kaftami jiray oo kaftankii iska jaray ninkii xaragada badnaa oo libiskii iska dayay meerashaba warkeeda dhaaf.

Dahraan “dhibaatda heysata liibaan iyada aad beey ugu xumeed oo waa tan markii dambe go,aan satay in aay wax la qabato si liibaan nolashiisii wanaagsaneed dib ugu soo laabato, inteey qolkiisa soo gashay ayeey maqashay hees jaceyl ah oo udaarneed liibaan , heestana wxaeey aheed,

                                                                 Dunida adaan kaa rabaa                                    
                                                                   Daa,in intuu abuureee
                                                                     Dooqeeygaa ku raacoo
                                                                     Ku dalbaday deeqday maankeyga
                                                                      Adigaa degay qalbiga
                                                                       Wadnaha dacalkiisee
                                                                       Soo dago i daawee
                                                                       Alla soo dabac idaawee
                                                                        Soo dagoo i daaweee.

inteey sariirtii uu jiifay ku dhawaatay ayeeey ku tiri waan soo dabcee istaag
Liibaan farxad ayeey u noqotay hadaladii la yiri waa tuu in tuu kacay oo uu ku booday dhunkaday.

isku hambalyees ayaa meeshii ka bilaabmay, aboowe iyo abaayo, macaan iyo macaantoo, xabiibi iyo, xabiibti qalbiga iyo wadnaha, dhiiga iyo dhuuxa ,indhaha iyo araga, ereyadaas ayaa lees dhaafsaday.

isla qolkii dhaxdiisa ayaa balan iyo axdi adag lagu dhigtay balantu maxeey tahay ayaa isweydiis mudan?

balantu waxeey  eheeed in labadooda isku kalsoonadaan xitaa hadii dhibaato ka timaado labada qoys midkood  leeskuna go,o oo aan marnaba lakala fogaan oo hee la noqdo laba ubax oo aan dhaxdooda qodaxi soo gali karin mooyee in uu ubax kale ka dhax dhasho intaas iyo in kale ayaa lagu balamay walibana leesku adkeeyay oo hee leesku sii adkeeyay.
bilooyin markii sidaas la ahaa oo wanaag lees kugu daadihinayay  jaceylka ayeey noqdeen waa Liibaaan iyo Dahraanee laba aan ku tilmaami karo qeys iyo Leyla ,Cantar iyo ceebla,far iyo faraanti,

Libaan mar waliba oo aay labadooda kaftamaan wuxuu dhihi jiray manutaz macaney heestaan aya ikaa jecleesiisay moye adiga kumaan heli laheyn laakiinse hada waxaad dhab ah in aan sida runta ah kuu jeclahay aan xitaa reerkeyga aan kaaga soo go,i karo ,

Dahraan iyaduna waxeey ku tidhi, markeygii hore jaceyl kuuma aanan heyn laakin hada waaxyaha jirkeyga meel waliba adigaa ka degan oo kaama maarmo  macaan waxaad tahay qalbigeyga dhaqdhaqaaqiisa.

gaba gabadiina Dahraan waxaa la baray ama uu baray liibaan qoyskiisa.

jirde muktar bashir(blacklion jirde) jirde mbm arts. webmaster dadaabbantu.kbo.co.ke

Ha Aqrin Hadii Jaceyl uu ku hayo!!

Adunyadu waa imtixaan waa dhibaato iyo murugu badantahay dadka isku si uma soo wajahdo waxa ayna qof walba ku qaabishaa waji gooniya dadka qaarbaa farxad iyo reyn reyn ku qaata waqtigooda inta badan halka ay kuwa badan la noolyihiin murugu ciil iyo uurkutaalo iyo caro ma hadha ah. Qisadaan waa qisa dhab ah oo ka dhacday Soomaaliya qaas ahaa Gobalada dhexe ee Soomaaliya waana qiso aad u xanunn badan oo aan ugu magac daray ILLEEN JACEYL WAA LOO DHINTAA!. Hadaba aqristoow sifiican u dhuux qisadan xanuunka badan iyo sida ay wa u dheceen. Axmed-yare wuxuu kamid ahaa ardada wax kabarata dugsiga Mujamac ee Magaalalada Baledweyne ,waxaana maalin maalmaha kamid ah ay isbarteen gabar lagu magacaabo Suleeqa oo iyana kamid aheyd gabdhaha wax ka bata isl dugsi islamarkaana dhigata fasalka amma galaas-ka kahooseeya. Suleeqa iyo Axmed barashadood kadib waxaa ku dhax abuurmay jaceyl xad dhaaf ah uu midba midka kale u qaado ilaa iyo dhammaan laga ogaado iskuulka ,macalimiintana ay kawar helaan xanta jaceylka lamaanahan , waxana ay noqdeen kuwa iyaga si gooni ah isku tix galiya markastana wada jecel in ay waqtiga isla qaataan ,waxaana caashaqa midba midka kale uu uqabo uu gaaray in haddii aysan isla joogin la iska maqlo taleefoon. Nin aduunya joogow maxaa aragti kuu laaban! ,Axmed iyo Sulaaqa waqtigii aas-aaska jaceylkooda waxa uu waqtiga ahaa mid u hiiliyay iskaba dhaaf in xitaa ay dhibaato arkeen saacad-na iskumey dhaafin in ay isqoonsadaan oo ay murmaan, waayaha aduunyada koley waa cibaaree,cadceedii bidhaantana waxey caan ku noqotaaye ,lamaanahan waqtigoodii hore iska wabxiyay jaceyl xidida mutay ,oo axdi iyo aaminaad-na ay lagu heensimay muddo sadex sano (3- sano) kadib waxaa leysla meel dhigay in geedkii jaceylka ee in muddo ah lawa raabinayay laamo ubax lehne soo baxshay in mirihiisii lagurto. Axmed-yare iyo Suleeqa ayaa isku afgartay in ay reer yegleelaan oo ay hooy qura kuwada noolaadaan ,waxaana Axmed uu Suleeqa ka codsaday in ay fursad siiso si uu waalid-kiis ugu wargaliyo isagoo islahaa waa bishaaro cusub ,hasayeeshee Suleeqa wey ka aqbashay laakiin maxaa dhacay? Axmed iyo hooyadii maxaa dhaxmaray? Axmed oo ahaa agoon Aabahii geeriyooday islamarkaana ahaa kan uguweyn amma curadka reerka ,wuxuu aaminsanaa in haddii Hooyadii usheego arintan ay tahay mid ay ku farxeyso laguna taageeri doono ,Axmed-yare waxa uu yimid Hooygiisa oo kuyaalla xaafadda Kooshin ee Magaalada Baledweyne waxa uuna durbadiiba uu bilaabay in uu lafaqo Hooyadii uu arintii u bandhigo ,Hooyo Sareedo oo aheyd Maamada Axmed waxa ay usheektay in arinkaasi uu yahay mid wanaagsan haddii uuba rabo in uu guursado iyduba jaceshahay laakiin ay horaba ugu doontay Nasra oo ay habaryartiis dhashay islamarkaana ay suleeqo isku fasalyihiin. Iintii aysan usheegina uu kasoo hor dhacay ,Axmed ayaa durbaba bilaabay in uu ku cataabo Hooyadiis ,kana codsaday in ay iska hilmaanto Nasro aa ayku taageerto jaceylkiisan uu rabo in uu la Aqal galo, Ninba waayihiisaa Waalo loo tumaa ,Labo kala barisayna kala war la. Hooyo Siraad ayaa usheektay wiilkeeda Axmed in loo taliyo uu qaato hadalka Waalidkiis, marnaba aysan Nasro mooyee qof kale uu san Nolosha laqeybsan doonin. Axmed wixii habeenkaasi kadib waxaa ubilaabmay jawi murug iyo fakar ku dhisan ,Habeenkiina ma Ladin ilaa uu waaga soo gaduudto,waxana uu Suleeqa usheegay in arintii ay waali-kiis ku gacan seereen ,waxaana isku calaacal kadib leysla meel dhigay in aan lakala maarmin, oo nafta leysku hurayo. Axmed ayaa Taleefoon kuwacay Nasra una sheegay waxa taagan ,bal xageeda si uu ciirsi uga helo,hasa yeeshee waxey usheegtay in ay horay udiiday laakiin duco iyo habaar la hor dhigay oo ay arintu tahay labo daran mid dooro,Nin dan leh madaalee Axmed-yare waxa uu mar kale ku soo noqday Hooyo Siraad uu intuu Gar-ka iyo jilbaha qabsaday kacodsaday mar kale taageero jaceyl-kiisa ah ,laakiin maamo Siraad waxa ay Axmed usheegtay in Maalita Bariya maaha saadanbe uu Aqal galayo,Warkii hore war soo dhaaf ,Axmed waxaa mar kale u Baryay waa cusub wuxuuna Hooyadii usheegay in aysan dhici karin uu danida katagayo haddii aan arintiisa loo meel marin . Hooyo Siraad ayaa int dhoola cadeysay kuna tiri waa laguu taliyaa ee adiga ma talis war maqal!!!!!! Axmed inta uu Ilmeeyay ayuu kuceliyay mar kale in uu Aduuyada ka tagayo haddii uusan helin Suleeqa ileenwaxa gubaya gantaalada caashaqa ,taa badalkeeda waxaa murugada laqabo oo fakarta dartiis daamanka u qormeen Suleeqa. Dhamaadkii dunida axmed iyo dhaawacii iyo daruuftii Suleeqa!!!!!! Axmed ayaa tagay goobaha Magaalada Baledweyne looga iibiya sunta cayayaanka wuxuuna soo gatay sun ay Tayadeedu sareyso ,waxa uu yimid goor cishaha kadib Sariirtiisii Hurdada ,waxa uu na Horay usoo qaatay Raadiye uu ku duubay arita uu dhintay iyo hadalo dardaaran ah ,waxa uuna kadib cabay suntii ,isla habeenkiina halkii ku ruux baxay!!!!!!!!!! Reer-kii Axmed ayaa goor danbe oo galabtii ah arkay in Axmed uu Hurdayo ,waxaana loo sheegay Hooyadii ,Maamo Siraad ayaa damacday in ay ka kiciso mise waa Meyd!!!!!!!!!!!!! Oohin iyo Baroor ayey isku dartay Maamo Siraad waxaana isku soo baxay Dariska ,waxaa furmay jawi murugo iyo tacsi ku dhisan dadkuna wey kamurugoodeena dhimashada Wiilkan Xaafadda loogu jeclaa ,asturaada meydka kadib waxaa lahelay cajalkii ku jiray Raadiyaha iyo fariinta marxuunka ,waxaana arintii kawarheshay lamaantiisii oo iyadana welwel xoog leh hayo ,i markii ay maqashay geerida gacaliyaheedii maalmo fakir saa’id ah kadib waxa ay qaadatay caak Basiin ku jro iyo Taraq inta ay Suulida gashay dab isku qabatay,waxaana la arkay Holac musqushii kasoo ifaya Orod iyo in ay dadkii dudaan kadib mise wey xeran tahay? waxaa labilaabay in lajibiyo mise waa Suleeqa oo guban ,islamarkaana tacbaan ah ,Naf xumina ay ku jirto. Waxaa loola cararay Cisbitalka ,muddo dheer kadibna waxaa la ,ogaaday in Dabka uu dhaawacay Maskaxda Suleeqa oo aysan waxba ogeyn sidaasina kunoqotay Qof Waalan.

Aqristow hadii aad Xanuun dareentey ogsonow inaad tahay qof bini adam ah Rabi xagiisa u noqo Qofkaad jeceshahayna had iyo jeer qadari balantanaadkee.

(Sheeko taxane ah); Qeybtii 1 – aad ” Sannad ayaan ku soo sahminayay

17.February.2012:- Xilligu wuxuu ahaa Beri-samaadyadii; meeshuna waxay ahayd Muqdisho. Caasimaddeennu ma ay burbursanayn, balse waa ay billayd oo weliba bilic-samayd. Waxay ahayd Xilliyadii ay Nadaafad iyo Nabadgalyo-ahaanba ugu sidatay, oo uga tilmaannayd dhammaan Caasimadihii iyo Magaalooyinkii  iyada asaaggeed ahaa.
     Dawladdii turuqyada waaweynayd ayaa taagnayd xilligaas, oo weliba ka talinaysay dhammaan Gobollada, Degmooyinka, Tuulooyinka iyo Taako kasta oo ka mid ah dalka. Hay’adihii Qaranka, laamihii Dawladda, Safaaradihii shisheeyaha, Shirkadihii gaarka ahaa iyo kuwii waddaniga ahaa, ayaa kulligood hawshoodu u socotay, oo ay Albaabbadu u wada furnaayeen.
     Bulsho-weyntii Soomaaliyeed guud ahaanteed, gaar ahaanna tii Muqdisho iyo Reer-magaalkii Caasimadda ayaa Bari iyo Galbeed u kala socday oo weji-furnaan iyo habsami ku kala deeganayay.
     Shaqo-dawladeed, mid gaar-ahaaneed, Ganacsi ka duwan, Xoogsatanimo iyo Waxbarasho kala heer ah, ayaa lagu kala mashquulsanaa Xilligaas. Yar iyo Weyn, Rag iyo Dumar, Caruur iyo Cirrooleba, qaab degganaansho ah ayaa laysu dhex-marayay. Kala-dambaynta dadka iyo horumarinta dalkaba Dawladda  ayaa hoggaanka u  heysay, Sharciga ayayna ku taallay.
     Dadkii Reer-magaalka ahaa, aqoonta fiicanna lahaa ee Xilligaas ku noolaa Xamar-cadde, waxaa ka mid ahaa: nin lagu magacaabi jiray ‘Samoow’. Ninkani waxay markaas u dhaxaysay da’diisu 35 ilaa 40-jir. Shaqadiisa, heerka Noloshiisa iyo Dhaqaalihiisuba waxay ahaayeen meel-dhexaad, oo dadkiisuu ku dhex-jiray. Waxaase u sii dheerayd Sumcad wanaagsan oo uu ku dhex-lahaa Bulshadii uu ka tirsanaa ee Reer-Muqdisho.
     Geesta kale, Samow isagoo weli iska da’-yar, ayuu haddane inta la og-yahay 2-xaas oo kale soo yeeshay. Mid ka mid ahayd labadaas si degdeg ah ayuu u furay. Tan kalena wuxuu u raadsanayay fursad uu ku furo iyadana. Kuma uusan qanacsanayn labadaas Haween. Jacayl qota dheer oo ay labadooda iyo Samow markoodii hore isku soo guursadeen maba jirin. Calaf iyo Nasiib un baa isu geeyay.
     Samow wuxuu aaminsanaa: in labadaas Haween ee uu hore u soo guursaday, ayan ahayn kuwii sii anfici lahaa isaga. Si joogta ah ayuu uga sheegan jiray. Wuxuu ku taami jiray: in mar ay ahaataba uu heli doono mid qancisa isaga, dhan kastoo laga eegaba. Murti ayaa tiraahda:-”Guur sax ah wuxuu ku yimaadaa Nin Sax ah iyo Haweeney sax ah oo is-hela”. Dhanka kalase waxaa la yiraahdaa:-”Nin wanaagsan, ma helo Naagtiisa…Naag wanaagsanna ma hesho Ninkeeda”.
     Samow kama uu quusan Haween oo dhan. Wuxuu isku qanciyay: in haddii uu sii wado sahanka, Allana uu kaashado, uu ugu dambaynta gacanta ku soo dhigi doono ‘Gaari-dumar’ iyo Gabar hagaagsan.Waxaa jira mar-mar laba qof oo isguursada oo la yiraahdo:-”Kuwaan Ciiddooda ayaa isku meel laga soo qaaday”,”Waa laysla helay labadaan”iwm.
     Guurku sidiisaba, waxaa lagu masalaa sidii “God Gacanta loo ritay oo kale”. Waa Calaf iyo Nasiib. Qofna ma sii ogaan karo sida  uu ugu dambaynta noqon doono Qofka uu Nolosha la wadaagayo. Waxaa jiri kara qiyaasid iyo saadaalin. Waxay arrintu isu-baddali karaysaa:”La-mood noqonse weyday”…!!. Waxaase mar kasta muhiim ah: inuu Guurku ku yimaado Jacaylka labada qof iyo isku-qanacsanaantooda.
      Waxaa mar kasta fiican in Allah la talo saarto, asbaabtana lala yimaado. Qofka la xulanayo waa in loo raacaa, sida ay Diinteennu tilmaamayso. Akhlaaq wanaagsan iyo Alla-ka-cabsi ayaa ugu horreeya sifaalaha lagu xusho qofka.

Xadiiskii Nebiga(NNKH) ayaa micnihiisu ahaa:-”Haddii uu idiin yimaado, qof Diintiisa iyo Akhlaaqdiisa ay idin raalli-gelinayaan,ku-meheriya Hablihiinna”. Labadaas Sifo ka-sokow, Samow wuxuu raadinayay Haweeney aan isaga ku xirayn shardi gaar ah, sida: Hanti, Hayb-qabiil iyo masaalix kaloo gaar ah.

     Samow ma uusan degdegin, wuxuuna galay baadi-goob hor leh oo ku salaysan dooqiisa. Wuxuu bilaabay Sahan xoog leh iyo indha-indhayn. Wuxuu ku dhaqmayay Murtiyihii ahaa:-”Qismigaaga qajaf-qajaf ayaa lagu darsadaa”,”Intaadan falin ka-fiirso” iyo “Doonaa waa gaaraa”.
     Samow wuxuu si gaar ah Indhaha ula raacayay Haweenka ay da’doodu u dhaxaysay 25 ilaa 35-jir. Gabar iyo Garoobna isugu mid bay ahaayeen, hadduu ku arko sifaalaha u cayiman isaga. Wuxuu maanka ku hayay: in haddii ay haweenayda uu caashaqay ay tahay Garoob: inayan mid ama laba ka badan hore u soo dhalin.
La soco qaybta 2-aad…
SIDEED U DHAQMAYSAA HABEENKA AQALGALKA
SIDEED U DHAQMAYSAA HABEENKA AQALGALKA
Waxaan shaki ku jirin in aanu ninku wax dhibaato jireed ah kala kulmeynin bekra-jebina habeenka aqalgalka, ha yeeshee waxa uu la kulmaa dhibaatooyin nafsiyadeed oo kaga yimaada dhanka xabiibtiisa kasoo tagtay gurigii waalidkeed ay ku noolayd laga soo billaabo carruurnimadeedii albaabkana laga soo xirtay, isna aragtay iyada oo joogta caalam cusub una dhiibaysa nafteeda iyo jirkeeda nin aysan aqoon amay dushaas uun ka arki jirtay, cunto cusub, guri cusub, amar qaadasho cusub, iwm. Waxa laga yaabaa in gabadhaasi ay sanado badan daawan jirtay kana qaybgeli jirtay aqalgallo, akhrisanaysayna buugaag ku saabsan guurka, kuna riyoon jirtay farxadda iyo raynraynta sugaysa, waana tanoo rajooyinkeedii gabarnimo maanta waa ay dhaboobayaan, waxaanay dareemeysaa in halyeygeedan ay jeceshahay uu yahay kan leh jirkeeda, haddana waxa aanay ka dhamayn baqdin dumarnimo.Habeenka aqalgalku waxa weeye habeen imtixaan, mana aha siday dad badani u haystaan habeen raaxo iyo in intuu ninku isku dul tuuro haweeneydiisa cusub uu ka darduurto macaan aan xisaab lahayn. Waxaa waajib ku ah ninka inuu habeenkaasi ula dhaqmo gacaladiisa sidii qof martiya oo kale uusanna ula dhaqmin sidii naagtiisa, sababta oo ah ahmiyadda nafsiyadeed ee habeenkaasi leeyahay baa ka weyn tan jinsiyeed. Waxaa ninka looga baahan yahay inuu bixiyo wax ka badan inta uu qaadanayo, waana in uusan ka fekerin raaxadiisa balse u qaato in habeenkaasi yahay habeen imtixaan xaddidaya mustaqbalka iyo aayaha dambe ee la dhaqanka haweeneydiisa, iyada oo habeenkaasi ka qaadanaysa fikrad heerka ay gaarsiisan tahay raganimada ninkeedu, kalana hubsanaysana in ay u dhabowday riyadii ay ku taami jirtay iyo inay khasaartay.Asmaa’ bintu Yasiid (RC) oo malxiisad u ahayd Caa’ishah bintu Abii-Bakar (RC) markuu Nabigu (Sallallaahu calayhi wasallam) la aqalgelayey, waxaa laga weriyey inay tiri: (Caa’ishah oo si wanaagsan loo soo qurxiyey ayaan soo geliyey qolkii aqalgalka, markaas baan ugu yeeray rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam). Waxa uu Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) inoo soo galay isaga oo sida weel caano ku jiraan, intuu qaar ka cabay buuna Caa’ishah u taagay, markaas bay kama qaadane hoos dhugatay xishood dartii, markaas baan cod canaani ku jirto ku iri: Naa ka guddoon Nabiga (Sallallaahu calayhi wasallam). Dabeeto intay ka qaadatay bay xoogaa ka cabtay, markaas buu ku yiri: Sii inta soo hadhay hablaha saaxiibbadaada ah).Haddaba waxaynu halkaa ka garan karnaa in kolka gabadha la soo geliyo gurigii lagula aqalgeli lahaa, ay habboon tahay in ugu horreynta la guddoonsiiyo hadiyad wixii markaa loo heli karo, loona sheekeeyo si xishoodka iyo baqdinta looga bi’iyo, gogoshana aan marnaba lagula degdegin.

Diinteenna Islaamku waxay qabtaa in kolka aroosadda aqalka la soo geliyo, intuu ninku madaxeeda gacanta ka saaro uu ku ducaysto in Ilaah khayrkeeda iyo barakadeeda waafajiyo, waxay xumaan leedahayna ka badbaadiyo.

Amarka ugu horreeya ee ay habboon tahay inuu ninku xaaskiisa cusub siiyaa waxa weeye inay laba rakco oo Salaad ah ku xirato, ayna ku ducaystaan in Ilaah isu barakeeyo, carruur khayr qabtana kala siiyo. Sidaasi bay labada isqabaa ku dareemaan in ulajeeddada ugu weyn ee guurku aanay ahayn galmo iyo raaxaysi, balse ay tahay gudasho waajib diini ah iyo dhalid carruur dadkooda iyo dalkooda anfacda. Sidaas bayna Diinteenna Islaamku niyadda ugu dhisaysaa labada qof habeenka aqalgalka, ugana dhigaysaa macaanta hawsha habeenkaasi cibaado.

Ninku sida uu u dhaqmo habeenka aqalgalku waxay ku xirantahay sida uu u fekero, aqoontiisa, da’diisa, heerka rabitaankiisa jinsiyeed, iwm.. Haddaba si looga hor tago dhibaato kasta oo si lama filaan ah ku timaada, waxa loo baahan yahay in kahor habeenka aqalgalka ay labada isdoortay iska afgartaan mashaakilka jacaylka iyo guurka, haddii ay dareemaan in ay isku afgaran la’yihiin arrimahaasina waxa talo iga ah in ay kala tagaan, sababta oo ah guurka ku billowda is afgaranwaa jinsiyeed waxa uu lamid yahay cimaarad laga dul taagay bacaad khasabna ay tahay inay isbuurato.

Ninka habeenka aqalgalka waxa waajib ku ah inuu ka fogaado wax kasta oo miyirka ka qaadi kara sida: mukhaadaraadka, qaadka (jaadka), khamriga, iwm. (waxyaabahaasi oo sidoodaba xaaraan ka ah qofka Muslinka ah), si uusan u fasahaadin una burburrin rajooyinkii xabiibtiisa oo dhaboobaya habeenkaasi, kuwaasi oo ah inay aragto gacalkeeda oo intuu ku soo dhoweeyo waji furan, u ximbaara xaggaa iyo sariirta. Waa inuu ka ilaaliyaa inay ku baraarugto nin cabsan oo dhac-dhacaya, kuna soo socda isaga oo Aalkolo iyo khamri ay ka soo urayaan, afkiisana ay ka soo baxayaan ereyo aan dhegaha u roonayn, halkaasina dabeeto ay kaga qaraxdo quraaraddii rajadu.

Kolka labada caruus ay ka tagaan goobta waliimada una baqoolaan xaggaa iyo gogoshooda, waxa ninka waajib ku ah inuu u dhaqmo si xilkasnimo ku jirto. Waa inuusan hilmaamin in xafladdu ay daalisay jirka ooridiisa cusub. Maalinta aqalgalku waxay farxad u tahay labada qoys, ehelada kale iyo asxaabta oo dhan, ha yeeshee daal bay u tahay labada aqalgelaya, iyada oo weliba inta badan xafladda la qabto qorrax dhac kadib.

Waxa habboon in ninku uusan ugu deg-degin firaashka sidii isaga oo xiso waxbarasho dhaafaysa ka gaarsiinaya. Waa inuusan ku degdegin furitaanka hadiyadda loo keenay. (Ninyahaw noloshaada guur ha ku billaabin kufsi. Ha degdegin saacado, maalmo iyo sanado badan baa ku horyaal aad sidaad doonto u raaxeysan karto eh. Ka ilaali gacaladaada wax kasta oo shaki, naxdin, iyo degganaan la’aan ku abuuri kara , ulana dhaqan ugu yaraan saacad kaamil ah sidii adinka oon weli aqalgelin waxbana aysan dhicin. Waxaan ula jeedaa, uga sheekee jacaylka aad u qabto iyo quruxdeeda, isuna ahaada sidaad isu ahaydeen habeen kahor, si ay gacaladaada ugu soo noqoto degganaantii una dareento ammaan iyo nabad-gelyo, wax walibana waad heli doontaaye tartiibso).

Waa inay aroosaddu heshaa xorriyad buuxda oo ay dharka iskaga beddesho, waana inuusan u soo gelin ninkeedu ilaa ay sariirta ka tagto. Waa inuu isagu dharka iskaga soo beddelaa qol kale amaba suuliga. Aroosaddu waa inay soo xirataa dhar khafiif ah oo laga dhex arkayo jirkeeda furitaankiisuna uu sahlan yahay sida guntiinada oo kale, si ay u soo jiidato ninkeeda, laakiinse looma baahna inuu isagu soo qaato dhar khafiif ah, ama xayto, amaba is-qaawiyo, taasi oo ka didinaysa xaaska habeenka ugu horreeya. Waxa laga yaabaa in gabadhu kolka ay aragto jirka ninka oo qaawan uu u cuntami waayo, oo sidii ay filaysay iyo sida dhabta ahi ay kala fogaadaan sida geedkiisa oo aad u weyn ama jirka ninka oo dubkiisu uu aad u jilicsan yahay, ama tin fara badan leh amaba ay aafo ku taal.

Waxyaabaha ay gabadha bekrada ahi aadka uga xumaato, nafteedana dhaawaca waxa kamid ah, ninka oo jirkeeda u qaawiya si ula kac ah, sababta oo ah waxa lagu barbaariyay inay is-asturto ama ay cawradeeda hoose sida naasaha, caloosha iyo xubinta taranka qarsato, sidaa awgeed ninka oo goobahaasi mar qura daboolka ka rogaa (gaar ahaan kolka uu isagu dharkiisii weli qabo) waxay gabadha ku dhalinaysaa xishood iyo inay ka xumaato, dareentana in ninkeedu ula dhaqmayo sidii inay dhillo tahay oo uu rabo inuu ka dhamaysto oo qura. Waxa kale oo loo baahan yahay in ninku uusan gacmihiisa gabadha dharka oo dhan kaga dhigin, sababta oo ah waxay u haysataa in dharku uu asturayo wax aan loo baahnayn in indhaha ninku ay arkaan, oo ah ceeb jirkeeda ku taal. Haddaba waxa ninka la gudboon inuu ooridiisa cusub u daayo habeenka koowaad inay iyadu dharka iska dhigto ama iska beddesho, welibana waa in uu tagaa meel aanay ka arkayn markay dharka iska saarayso si uusan uga xishoodsiin. Haddii haddaba uu yahay ragga ka hela inay hawshaasi iyagu fuliyaan waa inuu si tallaabo-tallaabo ah u fuliyaa oo uusan hal mar dharka ka wada dhilqin, balse uu dhowr habeen hadba meel kusii hoydaa, kuna fuliyaa hawshaasi meel mugdi ah inta ay ka baranayso xaaskiisu, ugana kalsoonaanayso. Kolka uu kalsoonidaasi kasbadana wax dhibaato ah kala kulmi maayo inuu siduu doono wax yeelo.

JAHWAREER JACEYL.Qeybta 1aad


Waa habeenimo jimco so galeeyso waana xili Ramdaan ah, dadka oo dhan inta aay so wada afureen ayaa qof walba banaanka u so doontay hawo macaan leer iyo inay asxaabtooda bal la sheekeystaan.


Cabdifataax shaataa iyo Cabaas oo Saaxiibo ahaa ayaa ku heshiiyay inay aadaan dhanka hotel ramdaan, intii wadada lagu sii jiray ayaa waxaa ka so horbaxday Raaxo oo aheyd gabar aad u qurux badan , dabeecad macaan , furfuran, Raaxo ayaa kadis ah ku tiri: AQAYAARTA, SALAAN XITAA MA JIRTO MIYAA, MISE SOONKA AYAA MAANTA IDINKA TAN BADIYAY?


Cabaas iyo Cabdifataax: OH sorry WLH HOOSTA AYAAD NAGA SO GASHAY HADANE WAAD IS BADASHAY OO QOF KALE AYAADBA NALA NOQOTAY! Meeshii waxaa ka bilaawday kaftan gaaban oo ah kaftan xaafadeed, dhowr daqiiqo ka dib ayaa halkii leysku macsalaameeyay, marki ay dhowr daqiiqo horay u sii socdaan ayaa waxaa bilaawatay shekadaan xiisa leh:


Cabaas: Cabdi fataaxoow , sxb qoftaan ciyaalka xafada miyeey iskal weyntahay horta ?
Cabdifataax: Sxb qoftaan waaba dadka ugu shidan xafada, balse dhalinyarada xafada mala haasaawdo.


Cabaas: sxb aniga iyo adiga buufis ayaa lafaha naga galay, waxaana igu maqaalo ah in aay qoftaa leen SWEDAN u xareesan yahay ee maxaad kala soctaa?
cabdifataax: haa oo ayada ayaaba ii sheegtay sxb, ee faraqa miyaan u galnaa?


Cabaas: Sxb aan caawa ina tashano, oo aan qoftaan labadeena mid ka mid ah u dirno si aan madaxeeda wadankaan kaga amaba baxno.
Cabdifataax: sxb waa arin fiican ee halkee wax laga bilaabaa hee, oo qoftaan kaftankeena bay taqaanaa oo si kale .....


Cabaas: sxb caawa markii aan soo noqono ayaan waceeynaa oo aan barnaamij xiriir jaceyl ah u bandhigeeynaa, sida aan qiyaasayo ma diidi doonto.


Cabaas iyo cabdi fataax markii ay ku soo nqodeen  xaafada ayeey durbaba u soo gudbeen qolka fadhiga, markiiba waxaa la so qabtay telfoonkii oo lagu hishiiyay inuu cabaas waco  raaxo iskana dhigo nin wax jecel oo laga maqan yahay.


Raaxo: hello .
Cabaas: Haye yarta, aad baan ku salaamay, waa cabaas ee mashqul miyaad tahay mise?
Raaxo: Mashquul waan ahay basle hadii aadba caawa telfoonkeyga soo wacday waa laguu sheekeynayaa ee ma wax daran ba jira?


Cabaas: Abayadis caawa adiga ayaa ii darnaa oo arin culus iga kaa so gashay oo aan in mudo ah, la xishonayay, waxaana go'aan saday in aan wixii jiro ku sheego caawa, oo aan go'aankaada ogaado


Raaxo: Maku fahmin ee balse hadalka ii jilci?
Cabaas: Hadii aan ku jilciyo, damac baa iga kaa jira, oo waxaan dareemayaa inay nafsadeyda adiga ku tabeeyso, oo aay rabto inay lamaano kula noqoto, dabcan wixii aad qarsato waa ku qarsadaan baa la yiri.


Raaxo: Cabaas, waxaa tahay dadka aan xaafada sida wacan ay sheekada igu baxdo marka , barnaamijkaan cusubne, amuuna inoo wanaagsaneyn!


Cabaas: Sheeko macaanta waaba sababta aan kugu damcay soow ma ahan, yarta codsigeeyga soo dhoweey, waxaan rajeynayaa in aan nolosha macaanto wada dhadhami doono , insha allah.
Raaxo: Cabaas, in aan ku dhaho OKEY wax weyn ma ila ahan balse waxaa loo baahan yahay in waxa aad sheegeeyso dacad kaa yihin, sababto ah aniga ma jecli wiil xaafada ila degan inay xumaan na dhax marto.


Cabaas: Abayadis, insha allah ma dhaceeyso inaan isku xumaano taasi aniga ayaa hubo ,
Raaxo: Okey bal hada suxuur diyaaris baan galayaa balse aniga ayaa habeen danbe ama bari jawaab ku soo sii nayo.


Cabaas goolkiisa ugu horeeyay ayuu shabaqa agta ka dhigay inkasto uuna dhalin, Cabdi fataax aad buu ugu riyaaqsanaa ruwaayada uu dhigayay cabaas.


Horay ayaa loo yiri NIN AAN WAX OGEYN ALLE MA CADAABO, oo Raaxo waxeey gashay inay falanqeeyso hadba sida uu noqon karo xiriirkaan cusub, iyadoo dhanka kale iska tuseeysay in cabaas yahay wiil fiican misana Qooys fiican ka dhashay oo ah reer ladan oo xoogaa dhaqaalo leh, oo lacala hadii ay jeclaato noloshaada kaafin kara. Qeybta 2aad

ugu danbeeynti raaxo codsigii cabaas waa aay aqbashay oo lagu hishiyay in aay xiriirka wada adkeeyaan oo qof walbo ka run sheego waxa uu rabo

cabaas iyo raaxo waxeey wada kulmi jireen xiliga anfurka ka dib o qof waliba aay banaanka joogto,,
cabaas iyo raaxo maalintii ciida waxaa lagu hishiyay in loo daawasho tago balcad iyo basro , waa deegaano beereed oo famileka Cabaasne dhowr beer ku lahaayeen.

cabas iyo raaxo labada waxeey dareemayeen in aay isku xiisaan xiliyada aay kala maqan yihiin
cabaas wuxuu dareemay in uu wax jeclaanayo oo marba xaaalkisa isa si badalayo
raaxo dhankeeda aadbaay ugu riyaqsaneyd in uu cabaas yahay qof nolosha wax ka yaqaan misane si aad ah u tix galiyo
inkasto markasto o cabaas dareemayo hiloowga raaxo oo isku maaweelin jiray, sxb inta aad dantaada ka gaareeyso qoftaan ha sii deeyn.

cabaas iyo raaxo maalin kasto oo jimco ah waxeey ku kulmi jireen xaafada cabdi fataax oo kaligiis daganaa , ayaga o ka soo fogaan jiray buuqa iyo bulshada kale
ugu danbeeyntii cabaas ayaa qirtay in uu wax jeclaaday , asiga oona goaan saday in uu gacaliysadiisa bal waxa jiro u sheegto.

cabaas: macaanto maanta waxaan rabaa in aaan kaa raali galiyo qalad weyn oo aan naftaada iyo teeyda ka galay
raaxo : wax qalad ah makugu arkin ee maxaad ka hadlee?
cabaas: macaanto marki aan xiriirka kula sameynayay wax damac ah ma iga kaa jirin balse hada ayaa daremayaa in aan si sax ah u ku jeclahay

raaxo: macaanka sideed ku keentay in aad iska keey dhigto qof i jecel ?
cabaas:macaanto , waxaan aminsanaa riyo aan jirin oo aan iska dhaadhiciyay marka ka raali noqo ?
raaxo: maxeey tahay riyada aad ka hadleeyso??

cabaas oo ceyb la noqotay in uu runta ka hadlo ayaa been, meel luuq ah ka helay asiga oo leh
cabaas: macaanto waxaan maqlay in aad dhalinyarada xafada iskala weyntahay , waxaana rabay in aan cuqdadaasi kaa saaro

raaxo: macaanka , qalad weyn baad iga amin saneyd oo aniga ciyaalka xaafad oo aan meel ku soo wada kornay sideen iskala weynaadaa
cabaas: calaa iyo xaal , hada runta ayaan ku sheegay oo waxaan rajeynayaa in aad gacaliyahaada aad si fiican u adkeysan doonto

raaxo: dabcan xooga waxbaa i galay balse....
cabaas: macaanto; waxaan jeclaaday inta aan wax kaa qarsan lahaa in aan runta ku sheego ,, qaladne ha i fahmin ,, oo waxaa tahay qof aan jeclahy ,, love u bby

raaxo: macaanka , waan ka qabaa , balse iska daa firkradahaas qaldan , xabiibi xabadkaada i saar si aan kaaga saaro fikradaha qadlan dhowr daqiiqo ayaa xabadka leysku hayay o la wada aamusnaa ,, raaxo oo cod jilacsan ku hadleyso ayaa dhahday,, macaanka aad baan kuu jeclahay, cabaas oo dhankiisa hadalka iska riixaayo aayaa ku jawaabay, macaanto, waxaan rajeynayaa in aad lamanaheyga noqondoonto, si kale oo aan abaalkaada ku gudi karo ma jirto

ugu danbeyntii jaceylka raaxo iyo cabaas wuxuu noqday mid xaaafada oo dhan caan ka noqday
nasiib wanaagaan waxaa sheeakda ogaatay, Najmo oo aheyd saaxibta kaliya ee Raaxo ayaa soo ogatay in uu cabaas rabo in aay raaxo u marki aay yurub aado aay u dacwooto oo sidasi yurub ku tago
najmo ayaa goaansatay in aay u sheegto saaxibteed, waxa jiro najmo ayaa so aaday xaafada raaxo ayada oo hadal ka buuxo
waxeey ku bilaawday sidaan.................Qeybta 3aad

Najma ayaa xili maqrib ah oo jawiga dagan yahay isku so aadisay oo soo aaday xaafadii raaxo
Najmo ayaa marki aay qolka fadhiga soo gashay  ayaa indhaha ku dhifatay raaxo oo talefoon meel luuq ah kula jirto oo buuqa dadka ka ganbaneeysa

najmo: yarta yaad la hadleysa waan kuujeeda sheeko macaan ayaa ku socoto e ?
raaxo: yaa kale hee waa gacaliyaheeyga cabaas, soo fadhiso
najmo oo cod la hoose ku hadleysa ayaa dhahday .. YARTA TELFOONKA ISA SAAR SHEEKO KU ANFACEYSA BAAN KU HAYAA E 
raaxo ayaa durbadiiba gacaliyaheeda ka codsatay in aay mudo halsaac ka dib ah aay so wici doonto 
cabaas waa u ka ongolaaday oo mala socon in farahiisa oo dhan la soo helay oo caawa hoowl laga qabsan rabo 
cabaas ayaa ku dhahhay cagalisadiisa raaxo 

Cabaas : macaanto ,xoogaa banaanka ayaan adayaa , balse aniga ayaa ku soo wacaayo markii aan soo noqodo  I LOVE U BBY  
Raaxo : me 2 gacaliye , balse ha iloowin in aad isoo wacdo , oo aniga oo codkaada maqlin in aan seexdo ma rabo ,, WAAN KU JECLAHAY MACAANKA , 

markii leeys macsalaameyay ayaa najmo oo war ka buuxa ku dhahday raaxo  NIMAAN WAX OGEYN ILAAH MA CADAABO ,, JACEYL BEEN AH AYAA LAGUUGU ABUURAY , SIDAAN OO DHAN AYAAD U DHIDIDEE ,, O HADA CABAAS MIYAAD JECESHAHAY?

Raaxo : yarta waxa aad ka hadleyso ma fahmin ,, ee sidee wax u jiraan bal soo daa hadalka aad ii heeyso

Najmo : saaxibeey , waxaan soo ogaaday sirta aay cabaas iyo cabdi fitaax shaataa kula maagan yihiin taasi o ah in aay jaceyl been ah kugu abuuraan oo nikaaxa qudbo siro ah (aroos aan la ogeyn) lagula galo markii uu leenkaada soo dhawaadane uur laguu yeelo oo sidaas yurub markii aad tagto u soo dacwooto cabaas ee arinkaas mala socotaa

Raaxo: yarta cabaas famile reer tabareed ah maka soo jeedyo o maanta ayaga ayaaba naga dhaqaalo badan ee sidee wax u jiraan

Najmo : saaxibeey waan kuu jeedaa jeceyl baa ku haya balse , runta waan ku sheegay , cabaasne ha igu ceeybeynin , goaanka aad qaadan laheydne adiga ayuu ku jiraa ee hadane waan kaa si tagayaa e  nabadeey

Raaxo ayaa markii aay saaxibteed Najmo ka tagtay fikir iyo shucaac aad u fara badan ku furfurmay , ayada oo la yaabtay hadalada aay ku hadleeysay saxibteed najmo 
raaxo ayaa dhanka kale iska tusineeysay in uu cabaas wiil daacad ah yahay oo iyada jecel, raaxo waxeey goaansatay in aay waxba u sheegin cabas oo wixii lo sheegay ay ayada uun ku ikaadaaan

dhowr sac ka dib , waxaa Raaxo loo sheegay in uu telfoon u yaalo , durba waa dareentay in uu gacaliyaheeda cabas yahay

Raaxo: asc ; waa kuma ?
cabaas: yaa kaloo sugeysay he 
raaxo: ooh cabaas , raali noqo xooga wan mashqulsanaa
cabaas: yarta . maxaa jira hee , caawa magaceyga ayaaba igu wacday e ,, xaalka ma is badalyay
Raaxo: maxaa dhacay oo aad dareentay ?
cabaas : calaa iyo xaal , qofkii aan ogaa ma igula ekid , waxaana qiyaasayaa in aay Najmo hadal bakhti kuu keentay , balse..
Raaxo: macaanka see kaa noqotay , hadii hadal leey keenu xitaa makula tahay in aan qadanayo
Cabaas: calaa iyo xaal waxaan aamin sanahay Najmo in aay tooshkii aay iga daba wadatay kuu dhiibtay , balse hadii aay caawa adiga oo dhan sidaan ku badasho waa in aan , ayada howl ka qabtaa ?

Raaxo: maxeey tahay howsha aad ka qabaneyso , maxaadna ka tabanee ?
Cabaas : hoosha aan ka qabanayo ma ahan mid aan adiga ku sheegayo !
Raaxo: macaanko dhib malahan aniga iyo adiga waxaan nahay dad is jecel cid no kala war qaadi kartane ma jirto i love u 
cabaas: raaxo , waxa lagu sheegay bal wax iga sheeg .. cabaas naag kale oo shukaan sada miyaa lagu dhahay ?
Raaxo: dhib malahan wixi jiro waad ogaanee ee is daji horta 

shekada oo socota ayaa cabas u soo dhacay telfoonkiisa gacanta ,, asiga oo lagu war galiyay in uu tago xaafad dariska ah si uu soo ciyaaro , ciyaarta turubka oo xiliga soonka la ciyaaro
cabaas ayaa gacalisadiisa durba u sheegay in uu baxayo asiga oo  leh

cabaas: macaanto waan kii sii tagayaa , waa ino markale macsalaamo 
raaxo oo aan ku qancin hadalka cabaas ayaa dhahday

Raaxo: macaanka hadii aad aamin santahay in leeygu kaa diray ,, waxaas ma jiraan ee Najmone faraha ka qaad ,, macaanka xaqiiq waan ku jeclahay i aamin 
Cabaas :waan ogahay in aad i jeceshay balse waxaa i xaqiiqo ah in aad is badashay , e waxa jiro i sheeg si aan kaaga qanco 
raaxo ayaa xogaa yar , hadal ka soo bixi wayay oo ilin ku so istaagtay 

cabaas: macaanto dhalin yaro ayaa i sugeeysa ee aniga ku soo wacaayo e macssalaamo  
raaxo oo cod la ciif ah ku hadleeysa aya dhahday 
Raaxo: oke macaanka , mac salaamo , mobilene ha qaad , wax kasto ayaa dhici karo e 
sidi ayaa leysku macsalaameyay , cabaas ayaa yaab ka so haray oo fahmi wayay halka aay wax ka qaldan yihiin 
cabaas oo xooga is adkeeynayo ayaa iskula hadlay 
 
dabcan Raaxo waan jeclahay balse , hadii aay qaadaneyso hadal aay gabar u keentay , dabcan ayada ayeey u taalaa , dhib aay ayada ku qabine aniga kuma qabo 
 
raaxo dhankeda waxaa u shidmay murugo iyo fikir , raaxo ayaa la yaabtay sida uu cabas ku fahmay in aay is badashay 
raaxo ayaa dhankeeda iskula hadashay

CABAAS AAD BAAN U JECLAHAY , WARKA LA SHEEGAYONE IN UU SAX YAHAY WAA ISKA SUURA GAL , BALSE HADII UU YURUB MADAXEYGA KU TAGO XITA MAXAA IGA HALAAWAYO ,, WABA GACALIYAHEEYGA OO ILA JOOGO, 
LAAKIN WAAN KA WAR SUGAYAA , HADII UU AROOS QARSOODI AH ILA YIMAADO , MARKAS AYAAN XAQIIQSANAA HADALKA NAJMO

raaxo ayaa goaan satay in aay SMS dhanka mobilka ah u dirto ayada oo leh.. mcnka hadii aad guriga imaado horay iga soo wac , nafta ayaa ku tabeyso xxx by
cabaas ayaa markii uu guriga yimid arkay warqadii lo soo diray goaan sadayne in uu horay ka waco
cabaas telfoonka waxaa ka qabtay raaxo aabaheyd 

cabaas: hello
Abo Maxamuud: haa , yaawayay ?
Cabaas oo dhidid ka soo daatay ayaa dhahay 

Cabaas: adeer waa aniga ee raaxo ayaan rabay
Abo Maxamuud: aniga gabar telfoon lagu wareersho ma haayo ,, hadaad dan leedahay igala soo xaajoo 
Cabaas: adeer waxaas o dhan waa la gaarayaa ee hada suura gal ma tahay in aan la hadlo

Aabo Maxamuud: taasi suuragal ma ahan ee , rabta gabar lo so maro wa taqaanaa hee , rabtaas soo mar hadane mac salaamo
cabaas telfoonki ayaa sidii loogu damiyay asiga o naxsan ayuu sariirta seexday
hurdo warkiida iska daaye , wuxuu ka bixi wayay iyo fikir aan dhamaaneynin
raaxo waa aay dareentay in cabas u soo wacay , balse awood aay ku soo wacdo ma heynin ,, oo telfoonka waxaa heeystay abahed oo telfoon dibada ah sugayay
maalintii danbe ayeey raaxo goaan satay in aay cabaas wacdo.Qeybta 4aad

Raaxo ayaa markii aay soo wacday gacaliyaheeda waxaa dhax martay sheekadaan xiisaha leh. 

Raaxo: macaanka see i tahay , kana raali noqo in aan xalay kula hadli wayay oo telfoonka aabo baa sugayay.

cabaas: hadii aadba i dhahday macaanka , wixii aan niyada kuugu hayay oo xumaan ahaa waanba iska ilooway somahan , ee ka waran adiga xaalkaada , maxaa iska kaa badalay !!! ?

raaxo: macaanka in aan kuu xiisay uunbaa jirto ee galabta suuragal ma tahay in aan wada kulano.

Cabaas: haa , balse waa in aad i sheegtaa wixii adiga iyo Najmo idiin dhax maray !!

Raaxo: macaanka , wax kaa qarsan ma jiraan , waxkasto oo la sheegane waxaa ka muhiimsan jaceylka aan adiga kuu qabo. 

Cabaas: calaa iyo xaal waxaan diyaar u ahay in aan kaa saarto wixii qalad ahaay oo laguu sheegay.
 
Raaxo: oke macaanka wax walbo waan kuu sheegayaa ee waa ino galabta. 

Raaxo ayaa markii aay telfoonka isa saartay goaan satay in aayna u sheegin wixii dhacay gacalaheda cabaas , ayada oo ka baqeysa in uu cabaas najmo u xanaaqo iyo wixii la midka ah. 
 
ugu danbeeyti raaxo ayaa goaansatay in aay barnaamij aan jirin u sheegto.
 
Wixii uu waqtiga socdaaba waxaa la soo gaaray xiligii la balamay oo qof waliba inta aay isa soo car fisay ayuu isa soo taagay goortii iyo goobtii lagu balamay. 

Cabaas dhankiisa maalintas wuxuu aad u daneeynayay in uu ogaado bal waxa jira. 

Cabaas : yarta maanta waad nuureeysaa waliba jaceyl hor leh ayaadba qoorta ii saartay ee see wax u jiraan hee yacnii sida aad u kala xerantahay oo aad isku soo habeeysay. 

Raaxo: adigaba sidoo kale macaanka ee horay u soo gal ,, maanta nasiibka ayaa naga batay oo guriga wax jooga malahan oo cida o dhan waa maqan yihiin.

Cabaas: woow , haye aniga nin wax ka dhiman yihiin baan ahay , bal soo daa wixii jira?

Raaxo oo dareentay uu cabaas war ka sugayo ayaa ku dhahay , macaanka bal xooga is daji oo xooga aan nasano ,, markaas ka dib ayaan ku sheegayaa wixii jiro iyo wixii dhacayba.

Dhoowr daqiiqo ka dib raaxo ayaa bilaawday in aay cabaas u sheegto beentii aay u diyaarisay si aay u kala ilaaliso cabaas iyo Najmo.

Raaxo: macaanka , najmo wax qalad ah ma eeysan i sheegin oo waxeey igu dhahday oo kaliya in aad tahay wiil aan isku fiicanahay , mana noo wanaagsana in uu xiriir na dhax maro.

Sababto ah waxaa dhici karto in aan isku dhacno markaasina , walaaltinimadiina ayaa meesha ka baxi karto,  ayadane waxeey igula talisay in aan waxa jiro oo dhan adiga kaala tashado oo aan goaano adag meel wada dhigano si aan u xiqiijino in aan nahay dad aay wax daacad ka yihiin , ee macaanka iga ongoloow codsigaas. 

Cabaas: haye maxaad goaan satay marka?

Raaxo: wax aan goaan saday ma jiraan oo aan aheyn in aan wixi jira isku sheegno.

Cabaas: dabcan daraad waxaan kaa dareemayay is badal weyn , hadane si kale baad u hadleeysaa. 

Raaxo: macaanka daraad hadaladiii Najmo ayaa iga buuxay , balse hada waxaas oo dhan waan iska saaray , hadane waxaan rabaa in aan balamihii aan kaa qaaday oo aan aan xaqiijiyo ,, i love u
cabaas :oke , balse hadii aad wax iga qariso ogoow waa wax adiga iyo anigaba noo daran. 
 
Dood dheer ka dib , waxaa lagu hishiiyay in xirirka la wada adkeeyo , balse  WIXII CALOOSHA KU JIRO AFKA AYAA SOO BOOBA AYAA LA DHAHAY oo raaxo oo kaftameeyso ayaa gacaliyaheeda ku dhahda
 
Raaxo: macaanka najmo waxeey iisheegtay in aadan i jecleyn oo aad dankale iga leedahay e maxaa kajiri kara.
 
Cabaas oo wijigiisa is badalay ayaa ku jawaabay........ 
 Qeybta 5aad

Raaxo ayaa isku dayday inay kor iyo hoos wixii jiro ka dhaa dhacsiiso , ugu danbeytiine waa u suuragashay, balse cabaas oo dareensiinaya in uu gacalisadiisa ka qancay misana u digaya ayuu ku yiri: Macaant , waan kaa qancay , balse hadii aad wax iga qarsato ogoow waa wax adiga ku dhibi doona!
 
Raaxo oo areygaasi dhibsatay ayaa ayada oo hoos u jeeda misane indhaheeda ilin ku is taagtay ku tiri:
 
macaanka insha allah ma dhaceeyso in aan wax kaa qarsado oo waxaanba rajeynayaa in aad noloshayda oo dhan hantiso, marka maba jirto sabab aan wax kaaga qarsado.
 
Cabaas oo dhankiisa ka xanuunsaday in aay gacalisadiisa ilmeeyso ayaa ku yiri:
Macaanto, lagama yaabo in aan marnaba nafsadada dhib ama xanuun dareensiiyo, marka iska saar wixii aad tabanaysid, aniga markasta waxaan ahay dhankaada, waxaadna noqondoontaa caruurteyda mamadood insha allah, macaanto ogoow in aan si xaqiiq ah kuu jeclahay, ayuu si hoose oo naxariis ku dheehantahay ugu sheegay Gacalisadiisii.
 
Cabaas iyo Raaxo ayaa maalintaas farxad ku soo dhameeysteeyn kulankooda qaaliga ahaa.
 
ugu dambeeyn, xiligii maqribka ayaa cabaas lasoo sagootiyay asiga oo faraxsan soo aaday xaafadiisa
dhanka kale NAJMO ayaa ku mashquulsaneyd sidii aay cabaas ku soo jiidan laheyn oo aay ugu bandhigan laheyd jaceylka weyn oo aay u qabto.


 

Najmo ceyb ayeey la aheyd in aay cabaas jaceyl u bandhigto asagoo xiriir la leh saaxibteed  Raaxo
basle Najmo ayaa goaan ku gaartay in aay raaxo ku noqoto oo aay ogaato bal waxa aay sameeysay iyo in aay cabas wali wada socdaan.
 
Najmo: saaxibeey ka waran caafimaadkaada, maxaad ka qabatay sirtii aan kugu qarsay , waad ogtahay in aad tahay qof aan jeclahayee?
 
Raaxo: macaanto aan runta kuu sheegee cabaas waa qof aan jeclahay, marka ceyb ayeey ila noqotay in aan ula tago hadal aay qof kale isheegtay.
 
Najmo oo hadalkaaasi dhaawac weyn u geeystay ayaa ugu jawaabtay:
 
Saaxibeey hadii aad ku qanacsantahay wiil xun oo ciyaal suuq ah haddana wax uu yahay jirin in uu ku qiyaano oo madaxaada nolol sare ku gaaro, dabcan waa hoowl adiga ku taal , balse ma jecli aniga in saaxibteey qaaliga ah xanuun loo geeysto, waana sababta aan hadalka sirta ah kuugu qarsaday, ee isku day in aad xiriirkaasi iska deyso waana iga talo, hadaad wax iga maqlaysid.
 
Raaxo oo shucaac weeyn ku furmay oo dhidid waaweeyn ka soo daatay ayaa isku dayday inay u jawaab celiso Najmo, balse hadalkii ayaa ka soo bixi wayay
Najmo oo hadalka wadato ku tiri: Yarta goaanka yuuna kugu dheeraanin ee sheekada ciyoow meel iska saar, afkeenana waa isku amaan ee mac-salaamo
 
Raaxo ayaa mudo 3dex maalmood ah ka fikireeysay hadalkaan. mise wereeysi hoose la yeelatay dad u dhawaa cabaas, ma aysan ka helin jawaab aay ku qanacdo.
 
ugu danbeyti waxey goaan satay in aay cabaas u sheegto wixii jiro , ayada oo dhanka kale ka baqeysay in aay gacaliyaheeda halkaasi ku weeyso.

qeybta6aad

Raaxo ayaa muraga iyo fikirka aay ku jirtay dadka oo dhan ka dareemen oo isheeda ayaa god dheer gashay
raaxo waxaa qabsatay LABO DARAN MID DOORO.

ugu danbeyntii waxeey go'aanstay in aay Cabaas u sheegto oo hadalka mug mugdiga ka saarto cabaas ayaa markii uu telfoonka qabtay ku bilaaway:

Gacaliso aad baan kuu salaamay.

Raaxo: Gacaliye qalbigaa kaa gudoomay ee ka waran caafimaadkaada salaan iyo is wareeysi gaaban ka dib raaxo ayaa sheekada ku bilaawday:

gacaliye meel kaligaa ah waliba buuq la'aan ah tag si aan wax kuu weeydiyo.

Cabaas: waanba joogaa oo qolkeeyga jiifka baan ku jiraa ee maxaa daran qaaliyeey?

Raaxo: Ok Fadlan albaabka xero si aanan qof kuugu so galin.

Raaxo oo dhidid waaweeyn ka socdo oo wadnaheeda si aan caadi aheyn u garaacmayo kana cabsi qabto in uu gacaliyaheeda ka niyad xumaado ayaa ku bilaawday:

Macaanka run iyo ilkaba waa la cadeey, qabri iyo ninkii loo wadane lama kala qariyo ee waxaan rabaa in aad iga qanciso arin maalmahaan oo dhan igu soo noqnoqoneysay balse waa in aad i balan qaadaa in aadan qalad i fahmin oo aadane iga xumaan waa hadii aad dhab i jeceshahay.

Cabaas: macaanta maku fahmin ee hadalka i furfur

Raaxo: macaanka shaki kuma jiro in aan ku jeclahay balse , ii sheeg maxaad iga damacsantahay aniga oo hamigaada muxuu yahay?

Cabaas: wali si fiican kuuma fahmin oo waxaan dareemayaa in aad wali wax qarineeyso

Raaxo: macaanka waxaa isoo gaaray war sheegayo , in aad rabto in aad i qudbo sireeysato oo marka aan tago SWEDAN aan kuu soo dacwoodo oo aad sidaas igu dangaarto, FAR IYO MEEL BUGTO AYAA IS OG AYAA LA DHAHAY , oo xalay ayaadba iga codsatay guurka qudbo sirada ah, adiga oo awood u leh in aan aroos caadi ah wada galno !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Cabaas: macaanto hadalkaasi yaa ku soo gaarsiiyay oo ma Najmo ayaa weerar kugu soo qaatay?

Raaxo: cabaas hadalka cadeey oo wax kasto oo aad iga damacsantahay waad i sheegi kartaa , in aad madaxeyga swedan ku tagto wax weyn mahan oo wax walbo waxaa ka muhiimsan kalsoonida ee hadalka ii cadeey.

Cabaas oo waran weyn ku taagmay ayaa wax uu ku hadlo garan wayay mise marmarsiiyo oo dhan u wayay.

Cabaas: macaanto waxaa tahay qof hadal lagu soo qufulay qaab aan kuu qanciyo ma kasaayi aniga.

Raaxo: cabaas hadii aad is dhahday raaxo waa ku jeceshahay hadalne makugu soo celin karto .. ogoow in aadan isoo raadin karin adiga oo aadan i wadin jawaab aan ku qanco hadane macsalaamo

Cabaas: saas ha u hadlin ee isku day in aan wax iska dhaadhicino.

Raaxo: calaa iyo xaal , hadii aan mudo labo maalmood ah wax jawaab ah kaa waayo, macnaheda waa in aadan dan iga laheyn oo aad daneeste tahay hadane kheyr baan kuu dhaafay ee macsalaamo.

Cabaas ayaa indhihiisa ilin ku soo istaagtay, oo wax kasto oo uu sameeyo hurdo oo dhan iska wayay

Cabaas ayaa dhowr jeer isku dayay in uu waco raaxo balse telfoonka ayaa laga qaban wayay hadii laga qabtane waa lagu daminayay, raaxo marka oo ay telfoonka ku damineeyso maka wadin xumaan e waxeey ku mashquulsaneeyd murug naxdin iyo waliba ooyin Raaxo aaya ka baqeeysa in uu cabaas aflagaadeeyo ama uu ku dhaho wixii maanta ka danbeeyo walaalo ayaa nahay iyo wixii la mid ka ah dhanka kale Najmo ayaa ka warsugeeysay raaxo.

labo maalmood ka dib ayeey Raaxo wacday Najmo

Najmo: salaan sare qaali, aqbaar ayaad i heeysa ayaan filayaa maanta

Raaxo: haa balse ii imaaw oo murug tii la dhahaayay haa i jijibisaye

Najmo: maxeey tahay muragada ku haysa oo kaa maqan?

Raaxo: haa abaayo cabaas ayaan kala xanaaqnay oo mana isoo wacyo anigane ma waco

Najmo oo ku faraxday hadalkaas ayaa ku dhahday:

see wax u jiraan ?

Raaxo: hadalkii aad i sheegtay ayaan ku qabsaday , jawaabne maka sugin oo ilin ayaa iga soo daadatay telfoonkane waan ku damiyay

NAJMO AYAA NIYADA ISKA DHAHDAY , GOOLKII AAN RABAY WAAN DHALIYAY OO WAA XILIGII AAN CABAAS JACEYLKEEYGA U BANDHIGAN LAHAA

Najmo: macaanto hadii uu dacad yahay asiga ayaa ku soo raadinayo balse asiga oo aan waxa jiro oo dhan kuu sheegin haka yeelin, aroos qarsoodina haba ka yeelin.

Qeybta 7aad
Najmo oo fursada qaaliga ka faaideeysaneeysay ayaa ku dhahday Raaxo: is daji oo iska iloow cabaas, oo rag ayaa ka badan hadii aad swedan tagtana waxaad hali doontaa mid nolosha wax ka yaqaan oo waliba daacad ah.

Raaxo ayaa niyada ku dagsatay hadalka saaxibteed khiyaanooleeyda ah ee Najmo misane iska dhigtay qof daacad ah labo isbuuc ka dib ayeey raaxo wadada ku aragtay Abdullahi oo ah cabaas walaalkiis ka yar.

Raaxo: yarka sanadka, caraftaada ayaa isoo jiidatay maanta ee qof miyaa kuu balansan ?
Abdullahi: adigaba sida oo kale waad shidantahay maanta ee warka isii, kaftan yar ka dib ayeey raaxo suaal yar mise agteeda wax weyn ka aheyd hoosta ka galisay ayada oo leh

Raaxo: cabaaso intuu ku danbeyay maalmahaan maba arkine?

abdullahi oo arinta la socday ayaa ku jawaabay.

Abdullahi: dhaxda dhuuqso si aadan u nixin oo arin aadan ku farxin baan kaaga hayaa e
Raaxo: oo qosleeyso ayaa ku dhahday , kaftankaada ayaan jeclahay e soodaa hadalka

Abdullahi: Najmo ayaa idin kala dishay oo najmo waxeey jeceshahay cabaas oo dhowr jeer ayeey isku dayday in aay u sheegato jaceylkeeda balse cabaas waa uu ka diiday adigane hadal ay qof kuu sheegtay ayaad jaceylkaada o dhan ku burburisay

Raaxo: waxaasi oo dhan sideed ku ogaatay?
Abdullahi: hadalka ma dhameysan ee fursad isii,,,,,, cabaas iyo aabane daraad ayeey isku raaceeeyn dubai oo aay joogayaan mudo bil ah ka dibne waxeey sii adayaan sucuudiga

Raaxo: raaxo oo naxsan ayaa ku dhahday, muxuu doonay oo asiga oo i sheegin miyuu baxayaa?
Abdullahi: dumaashi telfonka ayaad ka qaban weysay wuxuuna iigu kaa dhaafay warqad , warqadane caawa ayaan kuu keenayaa ee hadane byy

Raaxo ayaa markii warqada loo keenay ku bilaawday aqris:

KU: qof la siray
KA: qof wax jecel


WAX KASTO MAALIN AYAA LA BILAAWAA, MAALINTII AAN JACEYLKA KUU SOO BANDHIGANAYAY WIXII AAN AAMINSANAA IYO WAXA AAN MAANTA AAMINSANAHAY FARQI WEYN BAA U DHAXEEYA, WAAN KU JECLAHAY OO DARISKA AYAABA MARQAATI KA AH , ANIGA MARKII HORE WAAN AAMINSANAA BUUFIS IYO WAX LA MID AH , BALSE HADII AAD DIYAAR U TAHAY IN AAD NAFSADAADA IGU AAMINTO WAXAAN DIYAAR U AHAY IN AAN KUGULA NOOLAADA DUNIDA MEESHA AAD U JECESHAHAY TAASINE MAKA WADO IN AAN RABO IN AAD YURUB I GEEYSO BALSE WAXAAN KA WADAA , AAN KU WADA NOOLAANO HADBA MEESHA AAY AWOODEENA NA DHIGTO


HADAL QOF KUU KEENTAY AYAAD JACEYLKAADA OO DHAN KU BURBURISAY ,
NAJMO WA LA SOCDAA OO DHOWR JER AYEEY ISKU DAYDAY IN AAY WAX WALBO IGA HOR ISTAAGTO BALSE KALKAAN DHAAWAC WEYN BEEY I GEEYSATAY OO MANA LAGA YAABO IN AAN QABSADO AMA AAN LA MURMO
HADALKA AAN KUU SOO GAABIYO , WAAN KU JECLAHAY HADII AAD QALAD IGA AAMIN TAYNE IGA RAALI NOQO ,
HADAL AAD KA NAXDO
MUDO SEDEX SAAC KA DIB WAXAAN U DUULAYAA DUBAI ANIGA OO ARIN SHAQO U AADAYO , KA DIB WAXAA LAGAAYAABAA IN AAN SUCUUDIGA U SII GUDBO

BALSE WAXAA XAQIIQ AH IN AAN MUDO LIX BILOOD AH AAN SOOMALI KU SOO NOQON DOONIN .
WIXII AQBAAR AH WAXAAN KAALA SOO BALAMAY CABDULLAHI EE WIXII DARAN IYO WAXA AAD IGA DAMACSANTAHAYBA ASIGA LE IGU SOO HAGAAJI , SABABTO AH HADII AAN TELFOONKEEYGA KU SIIN LAHAA IN AADAN ISOO WACEYNIN WAAN HUBAA

MACAANTO WAAN KU JECLAHAY WAXANA RAJEYNAYAA IN AAN MAALIN MAALMAHA KA MID AH AAN WADA KULMI DOONO ANAGA O WADA FARAXSAN
MACSALAAAMO
QORE: CABAAS YARE

Raaxo o ilmeeyno ayaa warqada aqrisay , raaxo ayaa fahmi weysay meel aay wax ka bilaawdo , ugu danbeyntii waxeey goansatay in aay Abdullahi wacdo oo aay weydiso telfoonka cabaas

Raaxo ayaa ka codsatay cabdullahi in uu caawiyo oo uu garab istaago si aaay gacaliyaheeda marlabaad gacanta ugu dhigto

Abdullahi ayaa u shegay in uu cabaas laheyn telfoon u gooni ah balse uu isbuucii hal mar ama labo jeer maamada soo wacyo

Raaxo ayaa Abdullahi ka codsatay in uu cabaas ka raali galiyo una sheego in aay jeceshahay oo wixii jiray iska iloowday
is jiid jiid dheer ka dib cabaas ayaa ku soo noqday magalada muqdisho asiga oo wali jahwareerkii jaceylka uu murug ku hayo
raaxo ayaa markii aay maqashay in uu cabas imaaday aad ugu faraxday oo durbaba soo wacday ,

Cabaas iyo gacalisadiisa oo lawadaba difaac ku wada jiraan ayaa shekadaan gaaban dhax martay........

Qeybta 8aad

Raaxo oo ku faraxsan in aay dib u maqasho gacaliyaheeda codkiisa ayaa dhahday

Raaxo: macaanka aad baan ugu faraxsanahay in aan codkaada dib u maqlo.

Cabaas: dabcan anigane sido kale ee ma guursatahay hee mudo ayaan kala maqneynee?

Raaxo: hadii aan guursanayo xitaa waxaa lama huraan ah in aad xafladeeyda ka soo qeyb gasho.

Cabaas: woooow , saas ayaa lagaa rabaa, macaanto aad baan u daalanahay oo wali xalay o dhan ma hurdin oo safar baan ku soo jirnay marka waan sii seexanayaa ee macsalaamo raaxo oo aan ku qancin macsalaameyska cabaas ayaa ku dhahday

Raaxo: macaanka macsalaameys aan jecleysan ayaad i macsalaameysay ee hurdo wacan by by

Cabaas oo madaxa ciida ka ceshanaya mise is adkeeynayo ayaa ku dhahay

Cabaas: okey mahadsanid by.

dhan kale Najmo aad beey ugu faraxsaneyd in aay cabaas iyo raaxo aay intaas oo dhan is moogaadaan , najmo ayaa isku dayday in aay raaxo dhowr jeer wiilal kale ku qalqaaliso balse waa aay ka diiday raaxo aad beey ula socotay in aay najmo Cabaas jeceshahay balse wax xumaan ah ma matusin dhankeeda

Najmo ayaa ku faraxday in aay maqashay in uu cabas dalka dib ugu soo noqday, goaansatayne in aay Cabaas caadi u so salaanto Najmo ayaa markii aay guriga cabaas imaaday loo sheegay in uu qolka fadhiga ku jiro walibane uu kaliya yahay.

Najmo: Yarka sanadka, hadii dalka laga tagay xitaa dib maloo soo wacay dadka miyaa ?
Cabaas: dabcan adiga kaliga mahan oo dadka oo dhan ayaanba soo wicin somahan
Najmo: Dabcan nafsadeeyda ayaa ku tabtay, oo in aan dib kuu arko aad baan ugu faraxsanahay
Cabaas: hadal waaweeyn baad ku hadaleeysa oo aanan fahmin , mise aniga ayaa qalad wax u fahmay.

Najmo: wax garad baa tahay oo waxa aan ka hadlayo waad dareemi kartaa cabaas , balse hada waan kaa si tagayaa oo markale ayaan fursad fiican ku wada sheekeeysan doonaa.

Cabaas: fursadaan fursad ka weyn in aay ku soo mari doonto ma ila ahan oo wixii aad qabto maanta waad sheegi kartaa , oo madaxa korkiisa baad i sarantahay Najmo oo dib u fadhiisatay ayaa ku dhahday: Cabaas nafsadeeyda ayaa ku jecel waliba si wanaag ah oo daacad ah kuu jecel, hadalka aan ku hadlanayo afka kama dhihin ee qalbiga ayaan ka dhahay, please codsigeeyga aqbal

cabaas: waligeey kuma fikirin in aan xiriir kula sameeyo mana laga yaabo in aan ku fikiro , iga raali noqo , waad dareemi kartaa sababta aan ku diidayo.

Najmo: waan dareemi karaa , balse mid ogoow hee , somali waxeey ku maahmaahdaa , wax aad taqaano guurso wax aad taqaano beey dhalaan

Cabaas: hahahahahahah qalbiga ayaad waayeel ka noqotay , najmo waan ku jeclahay waxaana kuu jeclahay qaab walaaltinimo sorry.

Najmo: hadii aad rabto waad ka soo fakiri kartaa, balse arintaan waa sir aan kugu qarsaday ee fadlan qofna ha iga sheegin hadane waan sii baxay.

Cabaas aya markii aay najmo baxday goaan ku gaaray in uu aado garoonka TEERI si uu banooni(kubad) ugu soo ciyaaro. nasiib wanaag inta uu wada ku sii socday asiga iyo ragii ay wada ciyaari rabeen ayaa waxaa ka hortimid Raaxo

Raaxo: macaanka shalay leed imaaday maantane banooni ayaa u socodaa see camal?

Cabaas: macaanto malmahan oo dhan kubad ma ciyaarin, marka maanta aan kaa so baashaalo ee halkeed u socotaa?

Raaxo: waxaan rabay in aan ku soo booqdo balse marba hadii aan kubad u socoto horay ayaan kuu raacayaa si aan kuu soo daawado raaxo iyo cabaas mudo bil ku dhaw ayeey wada sheekeeysanayeen ayaga oo aan wali is raali galin oo qofba qofka kale ayuu difaac kaga jiray ugu danbeeyntii raaxo ayaa goaan ku gaartay inay gacaliyaheda ka raali galiso niyad jabkii ay u geysatay

Cabaas aad buu ugu farxay in aay dib u hishiiyaan balse najmo ayaa aad ugu xumaaday inay cabaas iyo raaxo dib u hishiiyaaan oo najmo marnaba kama daalin juhdigii aay rabto in aay cabaas ku hantiso, najmo ayaa maskaxdii ugu danbeeysay keentay ayada oo goaansatay in aay cabaas iyo gacalisadiisa hadal u kala qaato ayada oo adeeygsaneeysaneeyso gabar aay saaxibo ahaayeen oo la yiraahdo SAFIYO.

Safiyo iyo Cabaas ayaa aad iskuugu fiicnaa dhanka walaaltinimada, najmo ayaa safiyo u sheegtay inay cabaas jeceshahay balse uu la socdo raaxo oo ay rabto inay Cabaas iyo raaxo isku dirto waxaa lagu hishiiyay inay safiyo cabaas wacdo oo ay sheeko xiiso leh u bilaawday si raaxo loo dhaho cabaas safiyo ayuu la socdaa.

Qeybta 9aad

Najmo iyo safiyo ayeey waqti dheer ku qaadatay ka doodida arimaha Cabaas iyo Raaxo balse ugu danbeyntii Safiyo ayaa ogolaatay in aay Cabaas wacdo oo aay u sheekeeyso sababtoo ah Safiyo iyo Raaxo waxaa jira dagaal horay u dhax maray

Safiyo oo isla hadleeyso ayaa dhahday:

Raaxo aniga iyo ayada hishiis managa dhaxeeyo marka hadii uu cabaas ka xanaaqo waxba iga ma galin waxaa i daran in uu cabaas iga xumaado oo kaliya , sababto ah waa mid ka mid dhalinyarada oo aay xaafada shekada igu baxdo

wixii uu waqtiga is guraba waxaa la so gaaray xiligii cabaas la soo wici lahaa

safiyo ayaa markii aay telfoonka wacday ka qabtay cabaas ayada oo shekada ku bilaawday


Safiyo: yarka qaliga ah oo aan u xisay , salaaman ka dheh

Cabaas: wooow maanta qof culus ayaa iso wacday , walee codkaan waan aqaan e ma Safiyaa mise waa qof kale

Safiyo: yaaba kaloo ku soo wici kara , waa safiyadaadii e , warka isii see i tahay qaali

Cabaas: aad baan kuugu wanaagsanahay ee xageed ku danbeeysay miyaad guursatay ,, malamahan gabdhii waa la kala boobayaa e

Safiyo: maya , aniga waxaan sugayaa inta uu sicir barar ka dhacayo marka adiga miyaan kaa xumahay adigaba waad jogtaa, Najmo ayaa marki aay ogaatay in aay sheekada iskuugu baxday Safiyo iyo Cabaas ayaa goaansatay in aay wacdo raaxo

Najmo: yarta see tahay xaalkaada , gacaliyahaadane dib buu usoo noqday oo daraad baan arkay

Raaxo: haa walaahi wuu isoo laabtay marka see i tahay adiga qaali , waa lagu wayay malmahan e sheeko gaaban ka dib , ayeey Najmo hadalka muhimadisa furtay ayada oo leh.

Najmo: yarta aan warka kuu gaabiyo , waa taan isku sir qarsan jirnay e , mala socotaa in uu cabas xiriir la leeyahay Safiyo

Raaxo: xiriir walaaltinimo oo kaliya ayaan ku ogaa e see wax u jiraan

Najmo: yarta , saakay ayaan safiyo ii imaaday oo aay i sheegtay in aay cabaas wax kala dhexeeyaan oo aay waliba meel fiican u mareeyso

Raaxo: oo maxaa ka dhaxeeya hadalka ii faahfaahi

Najmo o jaaniskaasi ka faaideysaneyso misane dareentay in aay raaxo hadalka u dhuun daloosha ayaa ku dhahday

Najmo: hada ayaan ka soo tagay safiyo oo waxeey la hadleysay cabaas , marka hadala ROMATIEK ah oo aay ku hadlayaan ayaan soo dhageysan wayay , maka waxaan goaansaday in aan ku sheego wixi jira

Raaxo : oo yaaban ku dhahday ..... romatiek noocee ah

Najmo: hadii aadan i aamineeynin bal wac cabaas oo weeydii ee bal iskuday in uu telfoonka ka qabanayo iyo inkale , saaxibeey filimpo aad u mac ayaa ku socota ee sidaas wax ula soco

wixii aay shekada socotaba waxa lagu hishiiyay in aay raaxo cabaas wacdo si aay hadalka u xaqiiqsato , balse nasiib daro cabaas ma uusan qaban CALLWAIT kii aay raaxo ku soo gashay

raaxo ayaa aad uga coortay(maseertay) telfonka laga qaban wayay , waliba dhidid waa weeyn ka soo daatay .

wixii aay raaxo telfoonka ku celcelisoba ugu danbeynti waxey goanstay in aay mobilekiisa ka wacdo balse maxa dhacay

cabaas: hello , salaman ka dheh qaali, xooga ka dib wac ayaa igu jirtay

Raaxo:oo marka aaad sheekda romatika ah so dhameysato wac miyaad is dhaheysay

Cabaas: adiga kaftanka ayaan kugu jeclahay marka aniga ayaa ku so wacayo qaali ee wax yar lee isug

Raaxo: calaa iyo xal waxaan rabaa in aan ogaado qofka aad callka ugu jirto "?

Cabaas: waa safiyo ee maxaa jiran waan maseray miyaad i dhihi rabtaa "?

safiyo doodaas dhax mareysay aad beey ugu faraxsaneyd , oo waaba janiskii aay radineysay cabaas ayaa raaxo ku qanciyo in aay telfoonka isa saarto oo aay is dajiso wixii aay rabtone weydin karto balse raaxo hadalkaasi maku qancin oo waxeey is dhahday, ninka sheeko mac ayaaba u socota dhowr daqiiqo ka dib cabas ayaa safiyo u sheegay in uu markale so wici doono o aay sidaasi isku macsalaameyaan balse cabaas ayaa markii uu telfoonka isa saaray goansday in uu soo casheeyo ka dib lee u waco balse inta uu ka maqnaa telfonka aya waxa so wacday raaxo oo telfoonkane laga qaban wayay xitaa mobile, ayada oo xanaaqii ay u xanaaqsanayd uu sii lixaadsaday.


Balse waqti koban ka dib ayuu cabas so wacay raaxo oo waxaa dhax martay sheekdaan iyo doodaan

Cabaas: yarta see camal hee maanta , maxeey tahay is badalkaan kaa muuqdo

Raaxo: yarka waxaan rabaa in aad i sheegto waxa jira oo idinka dhaxeeyo safiyo

Cabaas: war wax naga dhaxeyo ma jiraan e maxaad dareentay

Raaxo oo xanaaq laga dareemayo waliba aad u careysan ayaa ku dhahday......

Qeybta 10aad

Raaxo oo hadalka wadato ayaa ku dhahday

Raaxo: cabaas waan ku jeclahay in aad i dhahdo adiga oo aanan ka rumeynin maxa kugu qasbay oo aad nafsadeyda qiyaanto

Cabaas oo hadalkaasi la yaabaya ayaa ku dhahay

Cabaas: maxaad ka hadleysa maba ku fahmin e

Raaxo: waxaan so ogaaday in aad safiyo xiriir la ledahay

Cabaas: waa sax balse xiriir nuucee ah

Raaxo: marba hadii aad sax dhahday waa sida aad sax u dhahday ee horomar wacan ayaan idin rajeynayaa

Cabaas: maku fahmin ee wax i fahansii

Raaxo: maanta ayaan so maqlay in aad safiyo xiriir jaceyl la ledahay marka maxaa kugu qasbay mise aniga ayaadan igu qanacsaneyn

Cabaas: war waxaasi ma jiraan ee sidee camal miyaadan igu kalsooneeyn

Raaxo: waan kugu kalsoonaa balse marba hadi aad telfoonka iga qaban waaysay waxaan ogaday in aanan kugu kalsoonaan karin

Cabaas: cala iyo xaal , wax igala dhaxeyo safiyo ma jiran ee hadii adan i amineynin ayada weydi ,

Raaxo: muhiim ma ahan in aan weydiyo.

Cabaas oo ka xumaaday hadalada ad adag oo aay raaxo adeeg saneyso aya ku dhahay

Cabaas: raaxo dhowr jeer ayaan isku dayay in aan kalsoni adag ku siiyo , hada ayeey aheyd markii aad iga raali galineysay qaladkii aad iga gashay ,

Raaxo: muxuu ahaa qaladka an ka raali galiyay

Cabaas: in aan dib u noqdo diyaar uma ihi , balse hadaba , ogaaw waa markii ugu danbeysay oo aan ku raali galiyo, waan ku jeclahay beene ma ahan , safiyo wax naga dhaxeyo ma jiraan , balse hadii aadan intaasi igu aamineynin , qeyr ayaan ku rajenayaa , dib danbe ha isoo raadin.

Raaxo oo ka naxday hadalada ka soo baxay cabaas ayaa dhahday

Raaxo: maku fahmin,

Cabaas: haa oo waa xanuun in aad runta fahanto , balse hadii aad i jeceshahay wa in aad runta ogada hadi kale , nagu kala wad oo walaaltinamadeena dib noogu bilaaw , si aad cudurkaan maseerka iskaaga saarto

Raaxo: macaanka sidaasi ha u hadlin

Cabaas: macanka macaanka macaanka>>>> macaanka in aad dhahdo wa fudeed in aad igu kalsoonantone waa adeeg , walaahi ma ogi wax aan kugu tilaamo

Cabaas: balse waxaan ku ogeysinaya waxaanba shaki ka qabaa in aad i jeceshahay iyo inkale ee bal i sheegbo sidee wax u jiraan Raaxo oo yaaban misane qiyaastay in uu gacaliyaheeda saxan yahay oo ay garan weyday meel aay hadal ka bilaawday ku dhahday:

Raaxo: cabaas iga raali noqo , walaahi waan ku jeclahay oo taasi shaki kuma jiro balse xoogaa waan xanaaqay somahan

Cabaas: dabcan shaki wuu ku gali kara , balse in aad malin kasto sheeko cusub ila imaado waa laga wanaagsan yahay

Raaxo: waan ogahay balse iga raali noqo

Cabaas: hadaba ogaaw hadii u xariirkeena burburo adiga ayaa mas uul ka ah , oo dood badan kalsooni daro ayeey ledahay hadii aan kalsooni daro bilaawo waa wax aad adiga mas'uul ka tahay

Raaxo: macaanka waxaan isku dayayaa in aanan mar danbe ka xanaajin ee markaan i cafiyo

Cabaas: aniga waligeeyba kuuma xanaqin , balse ogaaw in aad maanta xiriirkeena burburin tagtay

Cabaas iyo Raaxo ayeey sheekada iskuugu baxday waliba qosol iyo kaftan dheer galay.

Dhanka kale Safiyo ayaa horay ka wacday saaxibateed Najmo si aay ugu sheegto in aay guuleysatay oo aay raaxo xanaaqday, Najmo hadalkaasi aad beey ugu faraxday oo wajigeda ayaa laga aqrisanayay farxad aan caadi aheyn

balse labo kala barida kal war la' ayeey somali dhahday

Dad xaqiiq isku jecel si loo kala dilano aad beey u adagtahay e , Raaxo iyo Cabaas horay ayeey ka xaliyeey wixii qalad ah o dhacay , waxaadba moodaa dad aan waligood kala xanaaqin o kale balse wuxuu waqtiga is guraba maalin maalmaha ka mid ah ayeey Raaxo goaansatay in aay gacaliyaheeda la kulanto si aay ugu sheegto arin ku soo zaaiday oo aheyd in aay dalka ka tagi doonto Raaxo ayaa markii aay u imaadya gacaliyaheeda ku dhahday

Raaxo: macaanka waxaan rabaa in aan arin cusub kuu sheego

Cabaas: maxeey tahay arintaasi"?

Raaxo: 3dex isbuuc ka dib waxaan rabaa in aado Kenya si aan u tago safarada Swedan ee halkaasi ku taal ka dib waxan rabaa in aan sidaasi ku baxo

Cabaas: marka aad baad u faraxsantahay ayaan qiyasayaa sax

Raaxo: sidaasi ha ila hadlin , hadalka aan ku shegayone kaftan ha u maleyn oo waa xaqiiq , waan bixi raba macaanka

Cabaas: marka aniga maxaad i tagi rabtaa hee misa waad iska bixi rabtaa

Raaxo: waxan ku so gaday hadiyad qaali ah oo aad igu soo xasuusto waana FARAABTIGAAN ee please fartada haka saarin

Cabaas: qof aan jeclahay o dhan ayaa iga tagooyso e faraanti ma waxbu i galaa se camal macaanto

Raaxo: haye maxaan kaloo sameyn karaa hee , ma safarkaan ka baaqdaa

Cabaas: dabcan safar aad intaasi o dhan sugeysan in aan ka baajiyo malaga yaabo marka safar salaamo aniga faraantigan ayaan ku sabrayaa qaali.

Qeybta 11aad

Cabaas ayaa aad u daneenayay in uu gacalisadiisa raaxo qudbasireeysto balse markii uu weydiyay ayaa waxaa loogu jawaabay:

Raaxo: macaanka wax kasto oo niyadaada ku jiro waad i weydin kartaa.

Cabaas: macaanta maxaad ka qabtaa hadaan is mehersano?

Raaxo: macaanka xili aan is guursano mala joogaa hee , dabcan fursada aan heysano aad beey u yartay.

Cabaas: oke , maxaad ka qabtaa hadaan meher qarsoodi ah galno oo anaga oo kaliya noo gaar ah

raaxo ayaa durba niyadeeda ku soo dhacday hadaladii aay saaxibteed Najmo horay ugu sheegtay o ahaa , in uu cabas dan gaar ah ka wato balse uuna daacad ka aheyn jaceylka

Raaxo ayaa niyada iska dhahday hadaad guursato bari wax kasto ayaa dhici karo ,misane duba goaansatay in aaynan ongolaanin guurka qarsoodiga ah

ayada oo cadeeyneyso in aayna ku qanacsaneyn ayaa ku dhahday

Raaxo: macaanka taasi raali maka ahi , oo guurgeyga ugu horeeya waa in u ahaadaa mid umada o dhan marqaati ka tahay

Cabaas: dabcan waan dareemi karaa in aadan ku qanacsaneyn , balse ogoow guurka in uuna aniga kaliya i dan aheyn oo dan noo wada yahay

Raaxo: macaanka hadii an calaf isku leenahay wan is heleeynaa balse aan jaceylka aan ka wada run sheegno insha allah waa hagaagee

Cabaas: macaanta hadalkaasi maku qancin , balse waxa qoran alla baa og

cabas iyo raaxo ayaa kaftan leeyska riixayo iyo qosol aan niyada jirin ku dhameystay maalintooda

dhanka kale cabaas aad buu ugu xumaa in aay gacalisadiisa ka tagto ayada o aan xaaskisa aheyn balse diyaar uma aheyn in uu ku dirqiyo guur , sababtoo ah asigaba marabin in uu aroos weyn u dhigyo qof dhoor maalmood ka dib dalka o dhanba ka tagi rabto.

Raaxo aad beey u dareemeysay in uu gacaliyaheeda cabaas aad uga xunyahay safarka aay raaxo gali doonto , waliba waa aay dareensaneyd in cabaas calooshiisa hadal ka buuxo balse uuna diyaar u aheyn in uu weydiyo raaxo oo gacaliyaheeda niyada u dhiseeyso misane rabto in uu ogaado waxa uu gacaliyaheeda tabayo ayaa ku dhahday.

Raaxo: macaanka , waan dareemaya in aad hadal la cabsaneyso balse wax kasto oo niyaadaada ku jiro waad i sheegi kartaa.

Cabaas: dabcan hadal waa iga buuxaa balse diyaar uma ihi in aan ku weydiyo oo waan ogahay in aayna waxba ka so baxeynin wixii uu waqtiga is guraba waxaa la soo gaaray xiligii aay raaxo magalada muqdisho ka duuli laheyd cabas wuxuu goaansaday in uu raaxo ilaa iyo eleboorka muqdisho ADAN ADE AIRPORT geeyo asiga oo waliba leh.

Cabaas: dabcan codsiyadeeyda waad diiday balse , jaceylka aad i qabto hadii uu run ka yahay halagaa arko , hadii kale hadaba i sheeg aan nafsada runta u sheegee

Raaxo ayaa markaasi gacaliyaheeda xabadka ku qabtay ayada oo hadlakaasi aad oga naxday ayaa dhahday

Raaxo: macaanka waan ku jeclahay taasine waan ka run sheegayaa ee niyada qeyr u sheeg , kana soo qaad in aan xaaskaada ahay waxaa lagu hishiiyay in aay raaxo soo wacdo marka aay ka tagto Neyrobi si aay gacaliyaheeda ugu sheegto nabarka laga helo raaxo iyo cabaas ayaa mudo dhowr biloowd ah dhanka taleefanka ku wada xiriiri jiray ,

balse nasiib daro , amaankii dalka ayaa aad u xumaaday , dalka waxaa soo galay ciidamadii shisheeye haba ugu darnadaane kuwii ethopia Cabaas abahis wuxuu goansaday in dhamaan wixii ganacsi ahaa uu dalka ka wada in lawada xaraasho oo famileka o dhanka dalka ka baxaan.

mudo bil ah ka dib waxaa suuragashay in cabaas iyo familekisa o dhan u soo guuraan dalka Turkiga waliba magalada Ankara isla maalintii uu ka soo duulayay magalada muqdisho , raaxane waxeey ka duulaysay magalada Neyrobi e dalka kenya.

cabaas iyo raaxo dib danbe suura gal waa u noqon weysay in aay is xiriirayaan oo midba midka kale ma uusan heysan meel u ka waco, Raaxo wexeey ku daashay telfoonadii cabas aay ku taqiinay sida goobihii ganacsiga telfoonkii guriga iyo waliba kiisa gacanta , balse nasiib daro telfoonadaasi o dhan malaga qaban , dhanka kale cabaas wuxuu ku daaalay telfoonkii uu raaxo ku yaqiinay balse waxaa ka qabanay VOICE MAIL.

balse cabaas ayaa go"ansday in uu jaceylkiisa baadi goob u galo si uu mar uuna gacalisadii gacanta ugu dhigo , cabaas ayaa goaansaday in uu safar dhulka ah ku soo galo yurub asiga oo soo maray gariiga si uu mar uun dalka swedan gacaha u soo dhigo Cabaas ayaa la tashaday aabihiis asiga oo leh....................

Qeybta 12aad

Cabaas: Aabo maanta waxaan rabaa in aan arin kaala hadlo ee maxaad ka qabtaa?

Aabo Abdi: baabo , wax walbo oo aad rabto waad igala hadli karaa ee ma aroosi rabtaa oo gabar miyaan kuu doonaa?

Cabaas: aroos warkiisa ma jiro , oo naagta aan aroosi lahaa ayaan rabaa in aan baadi goob u galo marka garab aan kaa helo

Aabo Abdi : jaceyl waan kasaa anigaba sidaan buu iso maray ee balse soo daa maxaad rabtaa>?

Cabaas: aabo arimaha dalka oo qasnaa aawgeed , aniga iyo gacalisadeeyday Raaxo ayaa kala dhunay oo inta aan safarka ku soo jirnay ayey Kenya ka tagtay meel aan ka raadiyo ma aqaan meel aay iga so raadisone ma taqaan ee maxaad ka qabtaa hadii aan safarka dhulka ah galo
Aabo Abdi: oo intee rabtaa?
Cabaas: Gariiga ka dibne waxaan rabaa in aan sidaasi swedan ku tago si aan baadi goob ugu galo gacalisadeeyda

kaftan iyo waano dheer ka dib ayaa lagu hishiisayay in uu cabaas iska baxo oo uu gacalisadiisa baadi goob u galo
mudo 17 maalmood ka dib cabaas waxaa usuura gashay in uu ka soo tago dalka turkiga asiga oo u socoda gariiga , cabaas markii uu tagay gariiga ayaa xaalkii oo dhan is badalay

cabaas waxaa suuragal u noqon weysay in uu helo safar toos ah oo swedan ah , o waxaa waajib ku noqotay in uu wado kale maro
cabaas waxaa lagula taliyay in uu maro wadanka holland oo sidaasi uga sii gudbo swedan , balse nasiib daro markii uu holland yimid ayaa halkaasi lagu qabtay o waxaa waajib ku noqotay in uu halkaasi iska dhiibo

cabaas waxeey ku qaadatay mudo sanad ah in uu helo sharcigii daganaashahay wadanka Netherland (HOLLAND),
cabaas markii uu helay sharcigii ayuu horay ka aaday dalka swedan asiga oo ku daganayo saaxibkiis cabdullahi ahmed nuur

cabaas iyo saaxibkiis ayaa shekadaan dhax martay

Cabaas: salaan sare sxb

Abdullahi: cabaas oo soo dheeraaday warka isii hee maxaa darnaa?

Cabaas: sxb jaceyl baa iga so dhumay , 10 maalmood ah ayaa fursad heystaa ee xalkeen hee

Abdullahi: yaa ka maqan hee oo aad raadineysay

Cabaas: sxb gacalisadeeyda Raaxo ayaa iga maqan oo aan mudo labo sano ku dhaw aan waxba ka maqlin ee war maka heysaa?

Abdullahi: woow, ayadaba waa ika weydisay oo mudo dhowr bil ka hor ayaan mar ku arkay meel aay somalida ku kulmeysay

Cabaas: sxb qoftaas ayaan rabaa ee ila raadi

Abdullahi iyo cabaas raadis dheer ayeey u galeen helintaanka raaxo balse suuragal wa noqon weysay in aay is helaan
cabaasa oo niyad jabsan ayaa iskaaga soo noqday wadankiis Holland.

Cabaas wuxuu goaan saday in uuna dib danbe u raadin Raaxo oo u jaceyl cusub iska sameysto oo sidaas mustaqbalkiisa dib uga dhisto
balse nasiib wanaag maalin maalmaha ka mid ah ayuu cabaas goaansday in uu aado wadanka masar si uu soo salaamo walashiis oo halkaasi daganeyd
maalintaasi waxeey aheyd maalintii ugu farxada badleyn ee cabaas abid soo marto

Qeybta 13aad

Cabaas ayaa markii uu imaaday elebookra diyaradaha caalamiga ah ee wadanka holland ee magaalada Amsterdam , Schiphol international Airport , ayaa indhiihisa qabtaneen gabar somaliyed misane kala xiran oo aadba moodo in aay raaxo tahay.

Cabaas ayaa markii aay gabadha sii jeesatoba si fiican u fiirinayay si uu ugu soo xasuusto gacalisadiisa raaxo

Cabaas ayaa galay xasuus aad u farabadan iyo in uu dib u soo xasuusto maalintii uu soo macsalaameynayay iyo waliba in uu shumiyo faraantigii aay mudo sedex sano ka hor ah u siisay gacalisadiisa hadiyay ahaan

Dhanka kale raaxo ayaa dhowr jeer dhankeeda fiirisay , wilkaan aadba moodo in uu egyahay gacaliyiii mudada dheer ka hor ka dhumay

balse cabaas iyo gacalisadisa raaxo mudo halsaac ku dhaw ayeey qofba qofka kale daawaneysay , sababtoo ah qofba qofka kale waa aay ka baqeysay in aay la hadasho kan kale , oo waxeeyba is dhayay armuuba ahayenba qofka aad moodo

Balse Cabaas ayaa dhankiisa aad u necbaa guul darada , oo isl lahaa . qofkaan hadii aad la hadasho ameeyba isku kaa micneysa oo ku dhahdaa maku kasaayi ama wax la mid ah , dhanka kale cabaas ayaa aad u necbaa somalida xiliyada qaar afafka qalaad iskula hadlo o oo niyada iska lahaa ,

War hadii aad qofkaan la hadasho ameey english ama dutch ama luqada aadan rabin aan ku hadasho ameey kugula hadashaa

balse wuxuu waqtiga is guraba waxaa so dhawaaday xiligii aay duuli laheyd diyaaradii uu cabas raaci lahaa

Cabaas ayaa goaan saday in u fadhiisto meel u dhaw raaxo si uu u ogaado balse markii uu cabaas u soo dhaqaqay Raaxo xageeda ayaa raaxo is celin weysay o durba soo istaagtay mise ku soo booday Cabaas ayaa dhankiisa ku soo booday, oo raaxo ayaa ilin ka soo daadatay ayada oo aamini weysay in uu gacaliyaheeda maanta hortagan yahay.

Dhanka kale cabaas ayaa fiiri dheer u celiyay bal in aay qoftaaani raaxo tahay mise qof kale , balse markii uu xaqiiqsaday ayuu marlabaad xabadka saray asiga o mudo dhowr daqiiqo ah xabadka ku hayay, Balse wax yar ka dib raaxo ayaa hadalka furtay ayada oo leh

Raaxo: see tahay macaanka oo intane maxaad ka haysaa oo dadkane sidaasi miyaa loo nacaa

Cabaas: suaalaha waadba igu badisay ee see camal , marba hadii aadba macaanka i dhahday waan kaaga wada jawaabayaa.

Raaxo: cabaas wali dabeecadaada ma is badali wallahi

Cabaas: dabcan halkaani waxaan u imaaday in aan adiga ku soo raadiyo o xitaa dhowr jeer ayaan tagay swedan si aan adiga ku helo balse qof kasto oo aan ku weydiyo waxey igu jawaabtay raaxo mar baan arkay balse wax aqbaar ah ma telfoon ah maka hayo

Raaxo: cabaas anigaba mudo hal sano ah ayaan ku raadinayay balse marba hadii aan ku wayay oo telfoonadii aan kugu kasayay oo dhan leyga qaban wayay waan iska sabray oo waan iska guursaday

Cabaas: yarta anigaba sidoo kale mudo lix bil ah ka hor ayaan mar tagay swedan oo aan bil soo joogay markii aan ku soo wayayne waxaan goaan saday in aan iska sabro oo aan jaceyl cusub iska sameysto oo aan iska guursado balse wali wax jaceyl ah ma sameysna mana guursan , ee adiga hada wax caruur ah miyaad leedahay

Raaxo: maya wax caruur ah ma lihi , oo aniga waalidkeey ayaa wiil igu daray o Norwey joogo balse , mudo bil ka hor ah ayaan kala tagnay oo hada waxaan ahay singel ama garoob sida aay somalida dhahdo

Cabaas: waan gartay ,

Raaxo: cabas iga raali noqo qalad baan kaa galay oo balamihii aan kaa galay ayaan ka baxay oo markii aan mudo ku wayay waan iska niyad jabay ee waan ku baryaa iska keey cafi

Cabaas: waligeey wax cuqdad ah makuu qaadin oo kala fogaashaheena burburka dalkeena ayaa u sabab ah ee hada xageed ku sii jeeda

Raaxo: hada waxaan u socodaa Ethopia o waxaan raba in aan walidka so salaamo , ee adigane

Cabaas: waxaan u socdaa masar o waxaan rabaa in aan walaasheey iyo caruurteeda soo salaamo oo mudo 5 sano ah ma arkin.

cabaas iyo raaxo ayaa mudo dhowr daqiiqo ah ku sheekeysanayay eleboorka balse cabaas ayaa raaxo hadalkaani kaga naxsaday

Cabaas: yarta , 15 daqiiqo ka dib diyardeyda waa aay duuleeysa marka waa in aan sii dhawaadaa o waa ino markale ee telfoonkaada isii

Raaxo: cabaas in aad sidaan iga tagto aad baan kaga xumahay , balse anigaba horay ayaan kaaga soo tagay in aad maanta iga tagto qalad uma arko eemaxaad ka qabtaa marka aan soo noqdo in aan ku soo maro o aan mudo kula joogo ama aad xagga(swedan) igu imaado

Cabaas: waxba kama qabo oo mar walbo madaxa korkisa ayaad i sarantahay telfoonkeeygana waa kanaa adresekgane waan kanaa ee hadii an masar tagane telfoonak walaashey ayaad iga so wici kartaa oo ah kan , cinwaankeygane waa kanaa

Raaxo: woow jumlo ayaadba i siisay balse igu haleey in aan dhamaan kor ka xifdiyo , balse aniga waan kuu qorayaa tlefoonadeeyda ee balse sug, cabaas iyo raaxo sidaasi ayeey isku macsalaameeyeen , oo raaxo aad beey ugu faraxsaneyd in aay cabaas dib u aragto dhanka kale cabaas aad buu ugu faraxsana in uu mar uun raaxo arko , balse wuxuu aad ugu xumaday in aay raaxo guursatay

Raaxo markii aay tagtay Addis ababa dhowr jeer ayeey cabaas dhanka internetka ah ku wada kulmeen , balse qof xanuunka hayo so bandhigatay ma jirin o waa aay iska kaftami jiren oo kaliy a

balse maalin maalmaha ka mid ah ayeey raaxo suaalo aad u yar yar misane muhiim u ahaa weydisay cabaas ayada oo leh

Raaxo: yarka holland maxaad ku heysaa oo guri ma dagtay mise wali

Cabaas: yarta arday baan ahay oo waxbaan iska bartaa , waana iska shaqeystaa , gurigane waan daganahay somahan

Raaxo: oo kaligaa miyaad dagantahay ?

Cabaas: dabcan ya kaloo la dagi lahaa , in anan guursan horay ayaan kuugu sheegay baan filayaa

Raaxo: dabcan anigane sidoo kale kaligey baan daganahay ee maxaad ka qabtaa hadii aan kuu so martiyo

Cabaas: aadbaan ku soo dhaweynayaa, Raaxo ayaa aad ugu faraxday jawaabaha uu cabaas sinayay balse cabaas niyadiisa shucaac weyn baa ku furnaa oo ku saabsan arimaha raaxo , asiga ooba aamini wayay in aay raaxo guursatay mise aay asiga wali jeceshahay inkasto oo asiga wali qofkale xirii sax ah la sameynin

Qeybta 14aad

Cabaas ayaa dib ugu soo noqday wadanka holland , mudo 13 maalmood ah ka dib ayaa waxaa usoo dhacay telfoon

Cabaas:hello waa kuma?

Raaxo: woow codkaada oo telfoon ku maqlo mudo dheer ka hor aya igu danbeeysay , haye sheeko miyaa kaa qasay

Cabaas: woow , maya qaali waan iska baashaalayay somahan

Raaxo: haye duqa , bari safar baan soo ahay waxaana transet ku ahay holland balse waxaan rabaa in aan mudo labo habeen ah kula joogo si aan wax kuugu sheego ee maxaad ka qabtaa?

Cabaas: marba hadaad nafsadaada oo dhan igu aamintay oo aad goaansatay in aan isoo booqato , diyaar baan u ahay oo waan ku so dhaweynaya , eleboorkane aniga ayaa ka so doonayo.

Raaxo: oke oo brito 15.30 ayaan so dagayaa marka waa inoo goobtii aan ku kulanay hadane macsalaamo

Cabaas ayaa markiiba eleboorka tagay oo qoftiisa ka soo waday , balse intii uu wada lagu soo jiray ayeey raaxo gacanta cabaas fiirisay ayada oo rabtay in aay fiiriso bal in uu faraantigii aay siisay uu hayo iyo inkale , balse markii aay ku aragtay fartiisa faraantgii ayeey ku dhahday:

Yarka , aadbaan ugu farxay in aan faraantigaan aan fartaada ku arko , oo aamin baa tahay.

Cabaas: faraantigaan kaada ma ahan oo qofkale ayaa isiisatay somahan ahahahah.

Raaxo: faan baadnaa yaa wax ku siisanayo adigane, ha ii faanin yaana ceybtaada banaanka so dhigine.

Cabaas iyo raaxo ayaa kaftan iyo qosol ku imaaday gurigii cabaas e wadanka Holland.

Markii guriga la imaaday ayuu cabaas raaxo ku dhahay , yarta waad daalantahay oo maanta o dhan ayaad safar soo aheyd marka iska seexo oo barito ayaan si fiican usheekeeysaneeynaa e.

Raaxo aad beey uu daalneeyd o durba horay ayeye ka seexatay, balse maalintii danbe ayaa marki hurdada laga soo kacay ayaa waxaa sheekada furay cabaas:

Yarta si fiican baad u huruday baan qiyaasayaa?

Raaxo: aad iyo aad balse xalay xageed seexatay o maba ku arkin e?

Cabaas: haa, wiil saaxibkey ah ayaan la seexday oo guryaha naga soo horjeedo dagan.

Raaxo: woow aamin baa tahay , ee ka waran hadii aan suaal ku weydiyo?

Cabaas: dabcan wax kasto waad i weydin kartaa

Raaxo: oke hadii aan ku dhaho wali waan ku jeclahay oo intii aan kala maqneynin niyada ayaan kugu hayay maxad ka dhihi laheyd?

Cabaas: dabcan taasi kaligaa mahan o anigaba waan kula qabaa, balse waad guursatay oo sideed baad niyada igu heysay ?

Raaxo: walaahi beentaa mahan balse niyadeeyda muhiimadeeda adiga xagaada ayeey soo jirtay markii an ku wayayne waxaan iska goaansaday in aan iska guursado oo aan mar uun qof xaas ah noqodo somahan.

Cabaas: dabcan aad baan kuu fahmay , balse aad baan uga xumahay in aayna riyadaada horay u socon weyso

Raaxo: riyadii iga burburtay mid ka sii wanaagsan ayaan rajeynayaa oo qofkii ugu horeeyay oo aan niyada ka jeclaaday ayaa i hor fadhiyo oo an diyaar u ahay in aan nafsadeyda faraha ka saaro oo uu ii maamulo waa hadii uu iga ongolaado e

Cabaas: dabcan in aan nafsadaada maamulo horay ayaan u rabay balse waad i gadiiday lkn aan ku suaalee kala taga ninkaada maxaa qasbay mise xanaaqii aad iga xanaaqi jirtay ayaad ka xanaaqday markaasi kala tagteen?

Raaxo: dabcan in aan kaaga sheekeyo diyaar baan u ahay ee bal hadalka i cadeey maxaad ka qabtaa hadii aan riyadeena ka run sheegno?

Cabaas : haa diyaar baan u ahay balse ogoow in an rabo in aan xaalkaada wax badan ka ogaado.

Cabaas iyo raaxo ayaa labadaba laga dareemi kari xiiso aad u badan dood dheer ka dib ayaa waxa lagu hishiiyay wixii dhacay leyska iloowo oo horay loo sii socdo balse raaxo oo rabtay in aayna mar danbe gacliyaheeda cabaas weynin ayaa ku dhahday.

Raaxo: macaanka maxaad ka qabtaa hadii aan barito hooyadaa soo salaano, si aan ugu sheegno in aan is jeclenahay misane aan rabto in aan nolosha horo mar ka gaarno?

Cabaas: dabcan barito shaqo ayaan leeyahay balse bari dane ayaan aadeeynaa oo cawa ayaan wacayaa oo aan u shegayaa in aan hal habeen la soo seexaneeyno.

Markii loo taagay Maamada ayaa waxaa dhax martay shekadaan:

Maamada: haye gabadha uu wiilkeeyga jeclaa o madaxeeda iiga so tagay ma adigabaa?

Raaxo: haa hooyo anigaba sida aan u raadinayay waan daalay somahan.

Maamada : balse waxaan maqlay in aad guursatay ee waxaasi been miyaa

Raaxo: waa sax maamo balse hada waan kala tagnay wilkane ma aheyn mid aan aniga jeclaa, balse dhanka waalidka buu ka yihimid hadane waan kala tagnay.

Maamada: Cabaasne inteed iska hesheen

Raaxo: asiga oo masar u socdo ayaan eleboorka iska helnay oo hadane asiga ayaa daraad soo maray oo labo maalmood ka dib ayaan adayaa swedan.

Maamada aad ayeey ugu faraxday in uu wilkeeda dib u helo gacalisadiidsa , mamada ayaa wilkeeda ku dhahday:

Wiilkeeyga i dhageeyso, raaxo aad bey ku jeceshahay sida aan dareemayo, oo mudana waad kala maqneydeyn, markii aay ku weysayne waa ay iska guursatay ee hada maxaad ku dhahday gabadha, oo ma waxaad dhahday marba hadii aad aroos horay u soo martay maku rabi, waayoo gabadha qalad malahan oo calafka alla agtisa ayuu ka qoran yahay, ee hadaba ha xumeyn, jaceylkaadane ka run sheeg, caawane aniga ayaad ila seexaneysaan.

Raaxo aad beey ugu faraxday in maamada cabaas aay sidaas oo dhan aay wilkeda ula hadasho, Cabaas sidoo kale aad buu ugu faraxsanaa hadalada waanada u badan ee ka soo baxayay hoyadiis, balse markii lagu soo noqoday gurigii cabaas ayeey raaxo iyo cabaas, kulan aad dheer wada qaateen oo waqti badan qaatay

Raaxo ayaa hadalka ku furtay oo tiri:,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,

Qeybta 15aad

Raaxo ayaa hadalka ku bilaawday

Raaxo: macaanka aad baan kuu jeclahay adiga sidoo kale marka maxaad ka qabta hadii aan nolosha horomar sameyno?

Cabaas: Dabcan waa arin wanaagsan , balse ogoow hee in aay marka hore muhiimtahay in aan hal meel kuwada noolaano markaasne aan wax meel wada dhigano, sababtoo ah in aan ku guursado misane labo dal ku kala noolaano wax wanaagsan uma arko aniga

Raaxo:dabcan waa arin wanaagsan , balse somali waxeey ku maahmaahdaa LUGO DHIIQO GALAY MID MID BAA LOO SIIBAA oo hadba meeshii fudud aan ka bilaawno

Cabaas: ma xuma waa wax jiro diyaar baana u ahay in aan nolosho horomar ka wada sameyno balse waxaan jeclahay in aan marka hore ogaad waxa aan sameyn laheyn arooska ka dib,

Raaxo aadbeey u dareensaneyd hadalada ka soo baxaayo gacaliyaheeda cabaas in aay ahaayeen bal in uu wax lee hubsado , waliba ayada oo niyada iska dhaheeyso

Markii aan xamar joognay aniga ayaa ka diiday hadane xoogaa asiga ayaa igu adkeeynooyo walaahi aduunka waa wareegaa, balse wax kasto maalin uun beey dhamaanayaa

lamaanihii is jeclaa wixii aay maalinba maalinta kale udhibto waxaa soo dhawaatay xili aay Raaxo aadi laheyd wadankii aay daganeyd oo ahaa Swedan.

labadooba aadbeeey ugu xumaayeen in uu midba midka kale macsalaameeyo, raaxo waa ardayad oo iskuul baa u furmaya cabaasne waa arday iyo shaqaalo oo ma hayo fursad uu ku raaco qoftiisa, balse habeenkii ugu danbeeysay e macsalaameyska ayaa waxaa lagu hishiiyay in shaneemo(cinemo) leeysku raaco si film cusub oo markaasi jiray loo soo daawado

Markii shaneemada laga soo baxay ayaa waxaa dhaxmartay sheekadaan yar:

haye macaanta bari safar baa tahay ee maxaan isku ognahaya hee?

Raaxo: walaahi aniga oo faraxsan baan kaa tagayaa oo maba is laheyn gacaliyahaada ayaad dib u arkee.

Cabaas: waad ogtahay in aan waqti badan heynin oo aan kuu imaan karin ee goormaan kulanaa xageena ku kulanaa, Raaxo oo qosleysa misane kufaraxsan hadalka sarbeebta ah ee gacaliyaheeda ka soo baxayaan ayaa dhahday.

Raaxo; yarka waan ku fahansanahay swedan ma imaan kari ayaad ka wadaa ,,, balse fasaxa ugu soo horeeyo oo aan helo ayaan kuu imanayaa waliba waa waqti aan sidaasi u sii fogeyn

Cabaas: anigane xiliga koleelada marka la galo ayaan kuu imanayaa insha allah, Cabaas iyo gacalisadiisa raaxo intii ka harsaneyd safarka raaxo farxad iyo galgaceyl beey ku dhameysteen.

Raaxo ayaa markii aay tagtay hooygii aay ka daganeyd wadanka swedan horay ka soo wacday leenka cabaas balse nasiib daro cidne ma qaban oo wuu iska dhacayay, xoogaa ka dib ayeey is dhahday bal mobileka ka wac oo labo jeer markii laga qaban wayay ayaa mar u qabatay gabar ay mohamed daris ahaayeen o uu gurigeeda ku ilooway telfoonkiisa.

Sacdiyo: waan ku salaamay walaal , waa Tuma/

Raaxo; haye adigane yaad noo aheyd oo telfoonkaane kuu dhiibay?

Sacdiyo: taasi howl adiga kuu taal maahan ee is daji dantaadana ka hadal?

Raaxo: danteeyda ha i danbeeysii waxaan rabaa sida aad ku qabatay telfoonkaan/

Sacdiyo; abaayo xadkaada baad dhaafeeysaa ee dantaada ka hadal, telfoonkaan qabashadiisa cidne kala tashan maayo ee.

Raaxo; wagareey wagar baa la yiri...... waxaan u baahnaa ninkii telfoonkaan lahaa.

Sacdiyo oo ka xanaqday hadalada maseerka u eg ee gabadha ka soo baxayo ayaa ku dhahday ayada oo dhankeeda xanaaqsan:

Sacdiyo: ninka telfoonka leh magac buu leeyahay ee hadaad dankaleedahay magaciisa ku wac ama iska bax, Raaxo ayaa meel aay taagantahay garan weysay fahmi weysayne qofka aay tahay qoftaane

Raaxo: waa cabaas ee igu dhiib

Sacdiyo: walaal hada wuu maqan yahay ee caawa soo wac,

Raaxo: xagee buu jiraa?

Sacdiyo: suaashaasi mid aan jawaab kaa siinayo ahan e asiga lee weyii?

Cabaas wuxuu iska aaday banooni oo waxa dhacay oo dhanba maka war hayo

Cabaas ayaa markii uu banooniga ka imaaday loo sheegay in aay qof so wacday , balse looma raacin inay xoogaa yar hadalo kulkulul is dhaafsadeen, cabaas wuu iska fududeeystay ee wuxuu islahaa ayada ayaa kugu soo celineeyso ee asxaabtaada iskala sheekeeyso.

Wixii uu waqti socdayba waxaa la soo gaaray xiligii uu cabaas gurigiisa aadi lahaa oo uu isku diyaarin lahaa jiifka sababto ah barito waxaa laga sugayaa iskuulkiii.

Cabaas ayaa dhowr telfoonkiisa ku arkay in aay raaxo dhowr jeer soo wacday , oo durbaba horay ayuu ka wacay?

Cabaas; wooow macaanta , ilaah wuu ka nabad geeyay sax , alxamdullillah

Raaxo; haa macaanka.... balse xee tahay ma wax iga qarsan baa jira?

Cabaas; adiga leenba wax ka qarsaneeyn ee , see wax u jiraan , misane telfoonka aan qaban wayay ayaad ka xanaaqday?



Raaxo; maya maya iska dhaaf waxaasi markale ayaan ka wada hadleeynaa macaanka, o aan fursad u heyno.

Cabaas iyo raaxo sheeko ayeey iska bilaawdeen iyo in waayo waayo laga sheekeeyo iyo xiliyadii aay is qarsan jireeen, balse cabaas ayuu la soo gaaray xiligii uu seexan lahaa asiga oo qoftiisa tusayo in uu daalan yahay ayaa ku dhahay:

Qofta waan sii jiifanaa hadii aan ku dhaho maxaad ka dhihi laheyd?

Raaxo ayaa hadalkaasi dhibay , ayada oo markii horaba xanaaqii aay qabtay iska qarsaneysay,,, niyadane iska dhahday, hadii aad hada u sheegto wuxuu ku dhahaya wali ma maseerkii baad wadaa marka iska dhaaf oo iska fasax ha iska seexdee.

Raaxo; oke macaanka ii seexo balse naga daay waxyaabaha qaar ee aad ku dhaqmeyso oo uu nafsadeeyda dhaawici karo ama xuman i galin kara.

Cabaas: ma wax aan sameyay baa jira mise waano leed ka wadaa?

Raaxo; waanone waan ka wadaa waxne waan ka jiraan hadii la rabo ee adiga is garo hadane macsalaamo

Cabaas ayaa fahmi wayay meel aay u wax u socdaan balse ku dhahay

Cabaas: oke hurdo wacan ayaan kuu rajeynayaa hadii aad qalad fahantayne waad sheegan kartaa ee waa inoo barito iyo marka aan iskuulka ka imaado macsalaamo.

Cabaas ayaa markii uu iskuulka ka yimid horay ka wacay asiga oo rabo bal in uu ogaado waxa meesha ka socda iyo sida aay wax yihiin ,

Cabaas ayaa markii uu wacay hadalka ku furay.....................................

Qeybta 16aad

Cabaas ayaa markii uu iskuulka ka yimid horay ka wacay asiga oo rabo bal in uu ogaado waxa meesha ka socda iyo sida aay wax yihiin, oo wuxuu hadalka ku furay:


Galab wanagsan yarta, waxaan maleynayaa, in aad fursad aad igu sheekeeyso heeyso?

Raaxo: hadii aan mashqulsanahay xitaa fursada waan kuu sameynayaa adiga, oo waxaa tahay nafsadayda qofkii aay tabeysay marka eraygaas mar danbe yaanan laga maqlin macaanka.

Cabaas: aad baad u mahadsantahay qaali ee see tahay adiga, xoogaa waan kuu soo xiisay camal ma jirtoo.

Raaxo: Macaanka anigaba sidoo kale, marka maxaa inoo kala danbeyay hee qaali?

Cabaas: dabcan xageeyga wax zaaid ah ma jiraan, balse waxaan jeclaan lahaa in aan ogaado waxa dhankaada ka qaldan.

Raaxo: Macaanka marba hadii aan ku heysto waxba ma iga qaldanaan karaan balse xoogaa yar ayaan.......

Cabaas: wixii aad tabaneyso in aan kaa qanciyo ayaan diyaar u ahay si aay nafsadaada farxad lee ugu jirto , marka wixii jiro sheeg adiga oo anan waxba iga qarin.

Raaxo aad beey u cabsaneysay misane rabta in ay waxa jiro sheegto ayaa ku dhahday :

Qaali waxa jiro waan ku sheegayaa balse in aadan iga xumaaneynin oo nafsadaada sidaan i ahaaneyso i balan qaad.

Cabaas: sidii aan balan leen kaaga qadayay waan daalay balse hadane waan qaaday balanta

Raaxo: macaanka shalay ayaan markii aan ku soo wacay telfoonka qofkale iga qabatay oo waliba dumar ah , dabcan hadalo ad adag ayaan kala kulmay

Cabaas: hadalada ad adag maxaa ka mid ah?

Raaxo: yaa kaa maqan , dantaada ka hadal, xiliyada dadka la soo waco baro iyo wixii la mid ka ah , marka ma filaneynin in telfoonkaada sidaasi leyga dhahayo qaali , hadaad iga qancisone waan kuu duceyn lahaa oo oodin ayaa iga foqeeyso qaali

Cabaas: dabcan horta balantii aan kaa qaaday waan ofinayaa o e makaa xanaaqin , tan labaad , qofka telfoonka kaa qabatay waa gabadhii maalintii aad imaaneysay guriga nagu soo dhaweyneysay , wa gabar aan is naqaano mudo dhowr sano ah , oo walaaltinameeda iyo kalsoonida aan isku qabno iyo kaftanka aan kaftano ayaana caadi aheyn , marka ayadane waa aay kaftan badantahay

Raaxo: oke balse telfoonkaada maxaa u dhiibay , waa hadii aan suaashaas ku weydin karo e

Cabaas: wax walbo waad i weydin kartaa , telfoonkeeyga ayaan gurigeeda ugu tagay oo banooni ayaan adayay , marka telfoonkeyga ayada ayaa dad ka wacaneysay marka sidaasi ayeey ku imaaday .

cabaas oo hadalka wato ayaa dhahay

Cabaas: Macaanta maxaad ka qabtaa hadii aan ayada ku baro oo aadba saaxibtaa si aadan mar danbe iskuugu dhicin , sababto ah marmar badan in aay telfoonkeeyga kaa qabato ayaa suuragal ah

Raaxo oo qosleysa ayaa hadal yar misane aad u cuslaa ayaa hoosta ka galisay ayada oo leh

Raaxo: marka hadii aayna wax xiriir gaar ah idinka dhaxeynin waa oke

cabaas iyo raaxo sidii ayeey sheekadooda ku sii wateen balse cabaas ayaa markii uu telfonka dhigay horay ka wacay sacdiyo(gabadha dariska la ah cabaas)

Cabaas: waad salaamantahay waaba hadii aad salaanta rabto e

Sacdiyo: maanta salaanta waan diiday camal , ee ka waran xaalka waaba lagu wayay xalay iyo maanta e

Cabaas: adigaba waa lagu wayay , ee xooga ka dib ayaan ku imanayaa ee qado noo sii diyaari xoogaa sheeko macaane waan kuu hayaa e

Sacdiyo: maxaad ka qabtaa hadii aan maanta banaanka wax ka soo cuno , oo aan xooga ka dib ku soo maro

Cabaas: adigane caajiska ayaan kugu jeclahay , oke isoo mar hee maxaan ku diidaa

cabaas iyo sacdiyo ayaa markiiba isku raacay goob cunto oo la yiraahdo KFC oo aan sidaasi gurigooda ugu sii fogeyn

markii la soo dhigay cuntadii ayuu cabaas ku bilaaway sheekada

Cabaas: yarta warka isii hee , shalay qofteyda ayaad iga taabatay camal nooh ee maxaa ka jira

Sacdiyo: bis wayay o hada meel lagaa taabto oo aad ka jilcantahay ayaan helay , adeey kuu taalaa , adigane maalin kasto xalis lee diyaar u ahaaw yarka ahahahah.

Cabaas: in aan ku jijibiyo maka baqeysid miyaa oo wax iga kaa celinaayone ma jiraan e :d

Cabaas iyo sacdiyo sidii ayeey maalintooda ku soo qaateen , waxaana lagu hishiiyay in sacdiyo iyo raaxo leys baro , si aay iskaaga war hayaan.

Raaxo iyo Sacdiyo ayaa si wanaagsan isku bartay ayada oo ugu danbeytii gaartay in aay raaxo iyo sacdiyo isa soo booqdaan.

dhanka kale cabaas aad ayuu ugu faraxsanaa in ay raaxo iyo sacdiyo sidaasi oo dhan isku bartaan.

wuxuu waqtiga is guraba waxaa soo dhaawatay xiligii fasaxa kuleelada, Cabaas iyo raaxone waxeey ku hishiiyeen in aay bil soo wada joogaan guriga raaxo(swedan) bisha kale xaafada sacdiyo iyo cabaas (holland), balse markii uu cabaas tagay wadanka swedan ayaan waxaa dhacday qiso lama filaan ah oo cabaas iyo raaxo labadaba aayna filayn

Cabaas iyo raaxo oo iska wareegayo magaalada ayaa raaxo waxaa u soo dhacay telfoon nafsateeda dhaawacay, telfoonka waxaa soo diray ninkii aay raaxo kala tageen ama aay horay leyskugu soo daray, Raaxo ayaa markii aay telfoonka qabatay ku bilaawday:

Asc, maxaa daran?

Ninkii hore ee raaxo: wcs, aadbaan ugu faraxsanahay in aan codkaada maqlo ee sideey tahay qaali?

Raaxo: Maku fahmin , ee maxaad ka sheekeeyneeysa, sxb dantaada ka hadal mashquul baan ahay e aniga.

Ninkii hore ee raaxo: waan dareemi karaa in aadan i fahin karin balse, dhib malahan waan is fahameeynaa ee ka waran adiga xaalkaada?

Raaxo ayaa hadalka ka soo yeeray ninkan aad uga xumaatay, Raaxo ma rabin in Cabaas dareemo waxa dhax maraya ayada iyo ninkeedii hore.

Raaxo: walaal hada fursad aan telfoon ku hadlo ma hayo oo qof nafsadeeyda qaali u ah ayaa ila socdo marka qeyr baan kuu dhafay.

Ninkii hore ee raaxo: oke qeyr baan kuu dhaafay insha allah habeen danbe ayaan kuu imanayaa oo aan kulmeeyna hadane macsalaamo.

Raaxo: mudo bil ah marti qaali ah ayaa ila joogto marka sidaasi ula soco?

Ninkii hore ee raaxo: dabcan guriga qolol jiif ah oo nagu filan waa ku yaaleen, marka waa inoo habeen danbe hadane macsalaamo.

Raaxo: sxb gurigaasi ha isku imaanin qof qariban ayaa tahay e hadaad imaadone ogoow in anan kugu soo dhawey doonin , hana isku soo lug gooyinn ayan ku dhihi lahaa.

Cabaas sheekada meesha ka socoto waa uu fahmi wayay oo waaba yaabanaa sida aay u hadleyso raaxo iyo qofkaan aanan rabin in uu telfoonka dhigo.

Raaxo sheekadeeda ayeey iska wadatay oo waaba iloowday in uu caabas meesha jooogo.

Ninkii hore ee raaxo oo hadlaya misane u dulqaadan wayay hadalada ka soo yeelay raaxo ayaa ku dhahay:

Ninkii hore ee raaxo: qof aniga iga muhiimsan maba kula socon karo mana kuu soo marin karo ee hadaba ogoow in aan habeen danbe iyo habeenka ku xigaba xaafadaada joogi doono.

Raaxo oo aad u xanaqsan aya ku dhahday:

Raaxo: qofka ila socdo waa gacaliyaheeyga qaaliga oo waliba ah qofka nolosheeyda maamuli doono , heerka aad is gaarsiisayne ma joogtid e hadabe macsalaamo.

Raaxo ayaa marka aay telfoonka damisay garabkeeda bidix ka aragtay cabaas oo xaalkiisa is badalay misane xanaaq wajigiisa laga aqrisan karo.

Qeybta 17aad

Raaxo: macaanka maxaa kugu dhacay oo wajinkaada oo dhan waaba is badalyay e

Cabaas: wax igu dhacay ma jiraan, balse waxa adiga kugu soo zaa'iday in aan ogaado Ayaan u bahanahay

Raaxo: taasi waad ogaaneysaa , oo marka aan xaafada tagno Ayaan kuu sheegayaa ee is daji macaanka.

Cabaas: sida aad u fududeeysaneeyso ma igula faduda ee hada ii sheeg ama xitaa wax iga bilaaw

Raaxo: macaanka ma jecli in aan ku dhaho waxba makaaga bilaawaayi balse waxaan jeclaan lahaa in aan xaafada kuugu sheego anaga oo meel dagan joogno.

Cabaas: oke waxba kama qabo , balse ha isku dayin in aad wax iga qariso

Raaxo: waxba makaa qarinayi balse adiga lee ha iga xanaaqin hadii aan waxa jiro kuu sheego

Cabaas: dabcan hadi aad waxa jiro si sax ah igu sheegto waxaan isku dayeeynaa in aan xal u raadiyo oo aan labadeena arimaheena gooniga ah ka tashono balse taasi adiga ayeey kugu xerantahay

Raaxo hadalkaasi naxariista ku dhehantahay ee gacaliyaheeda ka soo yeeray aad ayeey ugu faraxday

Raaxo isla markiiba waxeey goaansatay in aay gacaliyaheeda waxba ka qarin oo waxeey ogeyd ninkeeda hore in uu ahaa mid aan waxba la fahansiin Karin oo waxeey goaanstay in aay gacaliyaheeda cabas waxa jiro oo dhan usheegto si uuna bari marka uu ninkii kale imaado ugu xanaaqin

Cabaas dhankiisa walaac aad u weyn ayaa ku furnaa o wuxuu fahmi la’aa waxa meesha ka scodo iyo sida aay wax u jiraan.

Balse markii guriga la yimid raaxo horay ayaa sheekada ka furtay ayada oo ku bilaawday

Raaxo: macaanka , arinka jiro waan kuu sheegayaa , balse ha u fahmin in aay tahay qalad aan aniga adiga kaa galayo ama been aan adiga kuu sheegayo ,

Cabaas: bal waxa jiro ii sheeg, hadii aan qalad kaa fahmo iyo hadii kale aniga ayaa gadaal kaaga sheegayo e

Raaxo: oke , ninkeeygii hore ayaa isoo wacay asiga oo dhahayo habeen danbe iyo habeenka ku xiro waxaan rabaa in aan xaafadaada soo joogo , marka aan dhahayne qof muhiim ah mise aan jeclahay ayaa ila socoto wuxuu igu jawaabay , qof aniga iga muhiimsan maba kula socon karto marka ma ogi sida aay wax u jiraan.

Cabaas: si fiican ma u fahmin sheekadaasi !!! nikaadi hore makala tagteen mise adiga ayaa nacday mise wali waxbaa idinka dhaxeeyo

Raaxo: macaanka sidaasi oo dhan ha u fikirin , aniga iyo asiga waan kala tagnay waliba dadki markaasi goobjooga aahaa Ayaan kuu wici karaa si aad u qanacdo ee aniga qalad ha iga fahmin macaanka

Cabaas: hada muxuu soo doonayaa ? goormuusa imanayaa? Qaabkeene usoo dhaweyn rabtaa? Muxuuna damacsanyahay ?

Raaxo: habeen danbe ayuu imanaayaa , waxa uu damacsanyahayne ma ogi ha ii imaanin hadii aan dhahayne waa ka madax adeegay , anigane xumaan weyn ma u geysan kari oo adeerkeey abahey la dhashay ayaa dhalay, ninkaanine ma ahan mid aan aniga jeclaaday ee waa mid leygu daray …….

Raaxo marka aay intaasi sheekada marsiineeysay ayaa ilin indhaheeda soo dhaafeen oo waa aay is celin weysay , cabaas waa uu dareemay in gacalisadiisa aay arin ka weyn dhaxda kaga jirto , oo asigaba dhankiisa waa uu soo calool dabcay oo candhuuftiisa dib ayuu u laqay

Asiga oo gacalisadiisa dajinayo ayuu ku dhahay:-

Cabaas: macaanta, wax walbo waa dhamaanayaan , anigane garabkaada ayaan joogaa ee is daji waxbane ha ooynin hana is dhihin cabaas waa uu kaa xanaaqayaan oo aduuunka ayaa dhib iyo murugu ku dhisan marka , maalinkasto ciid mahan ee is daji insha allah ciideena waa la gaarayaa e

Raaxo ayaa marka aay intaasi maqashay qosol iyo ooyhin isku darday waliba ayada oo leh:-

Raaxo: macaanka walaahi wuu ku fahmaa ma is dhaheynin oo waxaan is lahaa dib ayaad u weyneysaa gacaliyahaada balse marba hadii aad sidaasi oo dhan ii fahantahay waad mahadsantahay

Cabaas: oke hada maxaa xal ah oo ninkaasi hadii uu habeen danbe imaado maxaad sameyn rabtaa , hadii aad rabtone aniga asxaabteeyda ayaan iska aadayaa isbuucaan ee labadiina iska bashaalaa , wixii aad ku hishiisaan oo aad isku afgarataane isoo sheeg

Raaxo: macaanka aniga ayaad I imaaday oo asxaab ma u imaanin , aniga ayaana ku jecel meel aad iga aadeysone ma jirto ee meeshada ayaad joogeeysa hadii aad swedan ka baxeysone Holland leed ku noqon kartaa , oo Malaga yaabo in aan kaa yeelo in aad swedan joogto oo aad aniga ila joogin

Cabaas: ma waxaad rabtaa in aan aniga iyo ninkaadi hore is fara saarno , oo uu si aan jirin wax u fahmo?

Raaxo: siduu doono wax u fahmo waa mid asiga u taal , marka adiga meeshaada joog , hadii uu xadkiisa soo dhaafano sida qof aan kaseynin misane aan waligeey arkin oo kale Ayaan ula dhaqmayaa

Cabaas iyo raaxo maalintooda dib ayeey usoo u wanajiyeen oo sheekadooda iyo farxadooda ayeey iska galeen ,

Wixii uu waqtiga is guraba waxaa la soo dhawaatay xiligii u imaan lahaa ninkii martida ahaa ee la sugayay

Cabaas oo arinkaasi ka hadlaya ayaa gacalisadiisa ku dhahay

Cabaas: macaanta , haye maxaa kuu qorsho ah hee qofkii aad balansaneyd dabcan cawada wuu imaanayaa e

Raaxo: walahi wax aan damacsanahay ma jiraan wax i diyaarsane ma jiraan oo waxaan rabaa oo kaliya in aan ogaado waxa uu asiga u socdo misane uu maagan yahay

Cabaas: adiga maxeey kula tahay in uu magan yahay ?

Raaxo: walaahi taasi maka hadli karo , oo anaga markii horaba wanaag maku kala tagin ee macaanka is daji wax walbo waa dhamaanayaan oo waa sida aad u sheegtay ciideena waa la gaarayaa insha allah .

Wixii uu waqtiga socdaba , Raaxo iyo gacaliyaheeda Cabaas ayaga oo filim iska daawanayo ayaa albaabka la soo garaacay , cabaas horay ayuu ka dareemay , Raaxo oo hadalka la soo booday ayaa dhahday:-

Raaxo: war waa kii dhibkaa badnaa ayaa u maleynaa , war umadaan jiniga qabto yaa naga qabsada .

Raaxo markii aay albaabka furtay waxeey indhaheeda qabteen , ninkeedi hore

Ninkeedii hore: waan ku salaamay , manta aad baad u nuureysaa , see tahay xaalkaada?

Raaxo: xaalkeeyga waa iska ok ee maxaa darnaa oo aad soo doontay?

Ninkeedii Hore: bal gudaha ina gali oo is daji , wali maad I xanaaqsantahay?

Raaxo: gudaha soo gal balse ogoow in aay marti ii joogto e daganaashaha ku dadaal

Ninkeedii hore: Martida waa loo bahanyahay o waaba in aan bartaa ee

Cabaas marka uu indhaha ku dhiftay ayuu dareemay in uu xaalka is badalay oo uu xaafada imaaday nin laga maqan yahay

Cabaas oo yaaban misane wajigiisa is badalay misane difaac ku jiro ayaa ku dhahay Ninkii martida ahaa
Cabaas:…………..

Qeybta 18aad

Cabaas oo xoogaa yar ka xanaaqay sida uu ninkaan madaxa adag u hadlayo misane is dajinayo ayaa ku dhahay

Cabaas: waad salaamantahay , oo maxaa lagaa helayay waadba careysantahay e

Ninkii hore : waxaan u baahanahay in aad ii sheegto qofka gurigaane kuu ongolaatay in aad imaado?

Raaxo o hadalkaasi xanaaqday ayaa dhahday

Raaxo: taasi mid adiga lagaala tashanayo ma ahan e dantaada ka hadal, fursada aad heysato aad beey u yartahay e

Oday hebelka marka uu intaasi maqlay ayaa talo ku cadaaday oo goaansaday bal in uu is dajiyo , si uuna dhibaato faraha u gashan

Ninkii hore: sxb iga raali noqo hadii aan suaal kulul ku weydiyay ,

Cabaas: wax dhib ah uma arko balse , waxaan jeclaan lahaa in aan ogaado waxa kaa maqan

Ninkii hore : taasi in aan adiga kaala tashado ma ahan oo hadii adan ogeyn ogoow gurigaane waa gurigeeyga sxb

Cabaas: oh!! In aan gurigaada kugula doodo waa qalad marka ka raali

Raaxo ayaa dareentay in uu cabaas hadalka ninkeedi hore uu sax u qaaday , uuba aaminay in uu guriga asiga leeyahay

Raaxo: macaanka , sidaasi ha u hadlin oo gurigaane cid kaa xigto malahan oo adiga ayaaba ka masuul ah.

Ninkii hore : macaanka yaad ula jeedaa ?

Raaxo: dabcan adiga makuula jeedi oo waad dareemi kartaa qofka aan ula jeedo

Ninkii hore: sharaf dhac baan u arkaa in aad ninkale macaanka ku wacdo waliba aniga oo ku hor taagan

Raaxo: macaanka ma iska dhihin e nafsadeeyda ayaa jecel , wuuna mudan yahay in macaanka la dhaho

Ninkii hore: waxa aad doonto ku hadal nin aan aniga aheyn malaga yaabo in uu gacaliyahada noqdo !

Raaxo: riyadaasi horay ayeey u socon weysay marka , hadii aad dano gaar ah aad wadatay ka hadal , oo fursad aan kugula doodo ma hayo e aniga

Ninkii hore: aniga adiga in aan ku arko misane aan waqti dheer kula qaato ayaan u imaaday .

Raaxo: waqti kugu filan waan ku siiyay , dabcan xiligii jiifkane waa la joogaa e , waa ino markale

Ninkii hore : martida ha iska seexato aniga iyo adigane waan isku danbeeynaa .

Raaxo: aniga iyo martid hal mar uunbaan seexaneynaa ameeyba roontahay in aad adiga seexato oo aan aniga iyo martida isku danbeeyno

Ninkii hore ee raaxo ayaa hadalkaasi u fahmay jees jees iyo in aayba ku faraxsaneeyn la joogiisa

Ninkii hore: macaanto hadalo farxad ku dheehantahay ayaan kugula hadlaya adigane jawaabo aanan ku farxin ayaa ka soo baxayo , marka is daji xabiibti

Raaxo: hadalka afkaada ka soo baxayo xad ha yeshaan meesha xabiibti kuuma joogto. Isxaankii ugu danbeyay ayaan kuu falayaa , caawa waad seexan karta balse ogoow in aad barito is dibireeyso hadane macsalaamo

Raaxo iyo cabaas sidaasi ayeey qolkii jiifka ee raaxo ku wada aadeen

Raax: macaanka ka raali noqo waxa dhacay , oo aniga ninkaani ma xumeyn kari oo walidkeey ayaa dhalay

Cabaas: dhib malahan oo aduunka ayaa dood iyo cariir ku dhisan , marka wax walbo waa dhamaanayaan

Raaxo: macaanka aad ayaad u mahadsantahay.

Raaxo iyo gacaliyaheeda cabaasi sidaasi ayeey sheekada uugu baxday oo waaba ilooweeyn in aay marti guriga joogto , xiliga saqda dhexe ah ee habeenkii ayuu cabaas ku dhahay

Cabaas: macaanta aawday martidii waanba iloownay bee

Raaxo: haa oo anigaba waan ilooway , ee qolkaada ayaan usoo firaashaa , adigane inta iska seexo anigane qolka fadhiga ayaan iska jiifanaa xabiibi

Cabaas: maya waxaasi ka bax , adiga inta iska seexo aniga ayaa qolka fadhiga seexanayo , hadii aan ku dhihi lahaane asxaabteeyda ayaan caawa iskala so bashaalaa waxaan ka baqaa in uu dhib ku gaarsiiyo

Raaxo: maya macaanka dhib malahan

Inta aay sheekada u socotay ayaa isla markiiba albaabka la soo gacaay , waliba nin xanaaqsan oo sida uu kursi lee ugu fadhiyay ku soo caajisay

Ninki hore: anagane hoos ayaan fadhinaa idinkane meeshaan ayaad ku jirtaan , war saqanjaasinaa ninkaani qariban

Raaxo: hoos fadhigeeda hadii laguu ongolaaday ilaah ku shukri hadii fadhi ku daashayne waad seexan kartaa, hadii aadan rabin alabaabka meesha uu ku yaal waad taqaan , dadkane ha aflagaadeeynin

Ninkii hore: raaxo in aad sidaasi ila hadasho waad ku qaldantahay ee ka soo agtag ninkaani aanan la garaneynin waxa uu yahay iyo meel uu ka yimidba

Raaxo: meesha uu ninkaani ka yimid cid kuu dirsatay malahan , ee hadaadan is dajinin ogoow in aan kuula dhaqmayo sida qof anan waligeey arag

Ninkii hore : raaxo waxaan u baahanahay in aan kula sheekeeysto ee isoo raac.

Raaxo: waxa aad i sheegeyso gacaliyaheeyga o ila joogo ayaad ii sheegii , hadii kale raali noqo

Ninkii hore : raaxo ogoow in aan farxad iyo waqti dheer soo wada qaadanay marka isku day in aad dib u fiiriso nolosheeynii hore

Raaxo: adiga o anan qalad i fahmin , waxa aan aaminsanahay noloshii hore iyo tan aan hada ku jiro in aan tan hada aan ku jiro aan ku faraxsanahay ee isku day in aad adigane , jaceylkeeyga iyo farxada nolosheyda aad ka shaqeyso , xitaa waxba i ha ii qaban ee waxaan kaa codsan lahaa in aadan wax walaaltinimo dhaafsan ila imaanin

Ninkii hore : nolol walaaltinimo ka wanaagsan ayaan soo wada qaadanay ee sidee kaa noqotay

Raaxo: beentaa mahan, balse in aan wax aan soo dhaafay soo xasuusto diyaar uma ihi ee sidaasi ula soco

Ninka raaxo ayaa dareemay in aayna meesha waxba u oolin oo qofka uu isku dhibayo aay ka sii jeedo , wuxuu goaan saday in uu dhanka waalidka adeegsado asiga o waliba dhahay in aay raaxo ninka kale ka dooratay waliba asiga oo wax walbo diyaar ula ah

Raaxo ayaa dareentay in uu yarka fikir galay oo xoogaa yar aamusyay

Raaxo: walaalkiis iga raali noqo , aduunka ayaa sidaani ku dhisan , aniga oo farxad ku jiro in aan mid mugdi iyo murugo leh aan ku soo biro ma rabo

Ninkii hore: sida aad doonto waad u hadli kartaa balse ogoow in aan ahay ninkii ugu horeeyay oo aad xaas u noqotay aanan noqon doono kan aad hada la noolaan doonto

Raaxo: xaas noqosho wax weyn ma ahan ee in aay nafsadeeyda kugu qanacsantahay ayaa ka horeeysay

Ninkii hore : oke habeen wanaagsan waan sii baxayaa , oo labo maalmood ka dib ayaan ku so wacayaa aniga uu kaga bahan jawaab cad oo ku saabsan dib u wada noolaashaheena

Raaxo: jawaabta hadaba horay ayaad u wadataa ee macsalaamo.

Cabaas ayaa markii uu ninkii hore alabaabka ka baxay la soo booday

Cabaas:………………

Qeybta 159aad

Cabaas: haye yarta , xoogaa dhanka dooda waad ku wanaagsantahay bee
Raaxo: dood ma ahan ee xaqiiqda ayaa sidaasi ah qaali , oo aniga nafsadeyda adiga ayeey ku rabtaa oo aay ku dooratay oo ku dooneeysaa, marka qofkii isku daya in uu iga qasano , in runta lee sheego ayaa wanaagsan somahan

Cabaas: aad ayaad u mahadsantahay , rabitaanka noloshaadane in aan ka rumeeyso waa goolka aan hiigsanaayo qaali

raaxo: macanka , in aad ii mahadceliso looma bahno, ee adiga ayaa mudan in aan kuu mahadceliyo oo wixii dhacayay goob joog u ahaa , balse waan ku faraxsanahay in aad xaqiiqda jirto la socoto

cabaas iyo raaxo , sheeko macaan iyo qosol wanaagsan ayeey guda galeen , wixii uu waqtiga socdayaba , nin walbo sariirtiisa ayuu seexday

dhanka kale , ninkii hore ee raaxo , habeenkaasi wax hurdo ah waa ka soo dhici weysay oo cajalkii muragada xanaaqa iyo walbahaarka ayaa u shidnaaa

wuxuu ku mashquulsanaa, qaabkee uu raaxo dib ugu heli lahaa oo cabaasne meesha ugu saari lahaa, asiga oo waliba nayadiisa ka dhax guuxayaan , hadaladii aay raaxo kula soo hadashay waliba cabaas oo joog ah

wuxuu aad ugu careeysnaa in aay xaaskiisa hore sidaasi ula hadasho walib ayada nin guri la joogyo.

wixii uu fikiraba wuxuu goaansaday in uu raaxo aabaheyd la xiriiryo waliba asiga uu u sheegayo in aay raaxo nin kale la socoto oo asigane wali jecel yahay , uuna waxaasi raali ka noqon karin

ninkii hore ee raaxo habeenka ayaa la dheeraaday , uu wuxuu sugi la'aa inta uu waalidka dhalay raaxo ka wici lahaay

wixi uu waqtiga socdayba , markii la furay dukaamankii ayuu horay ka soo gaday kaar telfoon si uu adeerkiisa Axmed (raaxo abaheyd) ula xariiryo ugana dacwoodo raaxo

marka u wacay ayeey shekada sidaani ku bilaaway

Aabaha raaxo: ASALAMU CALEYKUM
Ninkii hore ee raaxo: WACALAYKUMA SALAAM WARAXMA , see tahay adeer
Aabaha Raaxo: waan wanagsanahay ee sidee tahay adeerka adiga dhankaada , maalmahaan maba lagu maqlin e , soo ma wanaagsanid

is wareeerysi iyo salaan dheer ka dib ayuu Ninkii hore ee raaxo danahiisa guda galay waliba asiga oo dhahayo

Ninkii hore ee Raaxo: adeer arin ayaan rabay o ku saabsan arimaha raaxo in aan kaala hadlo
Aabaha raaxo: oke , maxeey sameeysay adeer

Ninkii hore ee Raaxo: adeer , aniga oo wali u baahan ayey nin kale la socotaa , oo waliba guri la joogyaa , anigane waxaasi wan aan u dul qaadan karo ama qof damiiri lahi u dalqaadan karto ma ahan , marka waxaan rabaa in aay raaxo dib gacanta igu soo galiso , oo ma rabo in aay mar u noqoto ragaan yurub ku wasaqoobay oo xitaa waalidkooda ilooway

Aabaha raaxo; adeer ninka yuuy yahay

Ninkii hore ee Raaxo: makasaayi adeer , balse waa mid ka mid ah ragga yurub nolosha kaga dhacay oo laamiyada iska wareego adeer , wuxuu rabaa , in uu gabadheena madaxiida qof jirto oo wanaagsan ku noqdo , waxaasine sharaf nooma ahan ee gabadhaasi wax halaga qabto

Aabaha Raaxo: oo adiga maxaad ula hadli weysay , wuxu waa gabar e , inta aad hadalka u jilcisada maad soo jiidatid , ninka kale makaa ragnimo badne e

Ninkii hore ee Raaxo: aabo aniga weey iga xanaaqsantahay

Aabaha Raaxo: adiga wuuba furay ayaa la dhahayay , gabadha hadii la furone in aay nin raadsado waa ku saxantahay ee see wax u jiraan

Ninkii hore ee Raaxo: haa adeer , balse waxaas xanaaq ayaa iga keenay hadane in aan xaaskeyga dib u dhaqdo ayaan rabaa ee haleey garab istaago , oo gabar aan aqaano in aan guursado ayaan rabaa , oo somali ayaa horay u dhahday WAXAAD TAQAANO GUURSO WAXAA TAQAANO AYEEY DHALAAN E

Aabaha Raaxo: adeer aniga ayaa wacayo ee is daji adiga , ee isbuuc ka dib isoo wac adeer hadane qarashka ha isku badinin e macsalaamo

raaxo mala socoto in uu ninkeedi hore uu waalidkeeda wacay

raaxo iyo cabaas damaashoodkooda ayeey iskaaga jiraan oo ,waxaa soo dhaw xiligii uu cabaas dib ugu noqon ahaa goobtii uu ku noolaa e Holland

Cabaas: gacaliso , ogoow hee , barito safar ayaan ahay caawane waxaan rabaa in aan asxaabta macsalaameeyo ee sideed u aragtaa hadii aan hada iska sii baxo , oo aan caawa ku soo waco

Raaxo: macaanka dhib malahan , waad iska bixi kartaa , oo waan ku sugaa hadii uu ilaah yiraahdo ee isku badnaaw heeh

cabaas iyo raaxo waxeey kala dhigteen balamo aad u fara badan oo ka mid yihiin

1- in labadooda ay jaceylka ka run sheegan o amaankooda adkeeyaan ( yacnii in aan xiriir kale la sameysan)
2- in xiliyada fasaxyada aay kulman oo marba qofki fursad heyso aay qofka kale u tagto
3- in wixii qalad iyo is fahan daro ah si fudud leyskaga saxo
4- in aay raaxo 1sano ka dib Holland usoo guurto si aay gacaliyaheeda ula aqal gasho oo aay reer u dhaqdaan
5- in aay raaxo arimaheeda xaliso waliba qaba ugu wanagsan , iyo in uu cabaas is dajiyo inta wax meel laga dhigayo

wixii u waqtiga socdayba , waxaa la soo gaaray , xiliga uu cabaas ka so duuli lahaa swedan

raaxo waxeey ka codsatay in aay ayada kaligeed sagootiso oo aay gacaliyaheeda diyarada ku soo hubsato

cabaas iyo raaxo ayada midba midka kale ka xun yahay ayeey kala tageen

cabaas aad ayuu ugu walsanaa halka uu xaalka raaxo ku biyo shuban doono , waliba asiga oo ka cabsi qabo in aay raaxo ninkeedi hore xaas u noqoto

raaxo dhankeeda aad ayeey ugu walwalsaneyd hadalada iyo weerarka uu soo qaaday ninkeedi hore
raaxo waxeey goaansatay in aay ninkeedi hore wacdo ayada oo ka codsaneeyso in uu iska iloowyo

Raaxo: waaan ku salaamay walaal

Ninkii hore ee Raaxo: waan kaa qaaday macaanto, waan ku faraxsanahay in aad dib isoo wacdo

Raaxo: walaal waxaan kaa codsan lahaa in aadan in aad erayada qaar igu wicin , ee waxaan rabaa in aan arin kaa codsado ee iga aqbal

Ninkii hore ee Raaxo: soo daa

Raaxo: aboowe waxaan ahay qof qof kale jecel , waxaa tahay walaalkeeyga qaaliga ah , ee iska keey iloow iskuna day in aad jaceylkeeyga taageerto oo aad i garab istaagto , waxaa loo baahnaa in aad farxadeeyda ka shaqeyso laakin makaa filaneeynin in aad weerar igu soo qaado

Ninki hore ee Raaxo: waxan jeclahay in aan farxadaada ka shaqeeyo waliba aniga oo ninkaada noqonayo , si aan qoys lagu farxo u dhisano ee adiga taasi iga aqbal

Raaxo: walaal malaga yaabo in aan farxad adiga kula dhiso , mana laga yaabo in aan aniga iyo adiga hal guri ka soo wada toosno , ee waxaan jeclahay anaga oo isku faraxsan in aan walaaltinameeda ka shaqeyno , inti aan isku noqon laheyn dad is neceb oo anan is arki karin , marka dan aadan adiga iga laheyn aniga kaama lihi ee isku day in aad i fahanto

Ninkii hore ee raaxo: aniga malaga yaabo in aan ongolaado in aad ninkale xaas u noqoto

raaxo oo hadalkaasi ka xumaatay ayaa dhahday

Raaxo: hadii aad is leedahay , dhanka waalidka ayaad ka maree , waxaad ogaataa in aan guursan doono waliba wiilkii aad habeen hore indhahada ku arkeeysay ee inta aan walaaltinimadeena aan raadinayo in aad iga ongolaato ameey kuu roontahay

Ninkii hore ee Raaxo: dooda waa laga wanaagsan yahay , wax aanan hir gali karine ha isku mashquulin , nin anan aniga aheyne nin makuu noqon doono e hadane ha is fakirin ee macsalaamo qaali

Raaxo : waa wada qaaligaas e , qeyr ayaa kuu dhaafay, waana igu balan in aanan dib danbe kuu soo wacin ee hadane byyy , waana kuugu danbeeysaa codkeeyga danbe oo aad telfoon ku maqasho

dhanka kale raaxo aabaheyd wuxuu goaansaday in u gabadhiisa waco oo uu weydiyo bal sida aay wax u jiraan , iyo in waxa uu wilkane sheegayo aay saxan yihiin iyo inkale

raaxo aabaheyd markii aay telfoonka ka qabatay ayeey sheekadani dhax martay

Raaxo:........................

Qeybta 20aad

Raaxo ayaa markii aay abaheyd telfoonka ka qabatay dhax martay sheekadan

Aabo Ahmed: see tahay gabadheeyda?

Raaxo: aabo waan kuu fiicanahay , ee caruurta iyo hooyo sidee yihiin caafimaadkooda

Aabo Ahmed: cida oo dhan waa wada fiican yihiin wax naga haleysan ma jiraan gabadheyda

Raaxo: oke aabo cida oo dhan igu salaan ,aniga wax iga haleysan ma jiraan

Aabo ahmed ayaa muhimda uu gabadhiisa u soo wacay guda galay asiga oo dhahayo

Aabo Ahmed: gabadheyda , qof ayaa iga kaa soo dacwooday waana wiilka u adeerkaa dhalay , asiga oo ku andacoonayo in aad wiilkale saaxib la noqotay oo asigane waxa ku jecelyahay uuna rabo in uu ninkaada noqdo , siduu horay u ahaan jirayba

Raaxo: aabo macaan , nin adiga iiga kaa soo dacwooday in uuna wax jiro aheyn waad iskaaga jeedaa , in aan walaalkeey aflagaadeeyo asiga ayaa kasbaday , marka aabo , wiilkaas in aan walaaltinimadeena xoojino in badan baan ka codsaday balse wuu iga diiday

Aabo Ahmed: walaaltinimadiina xoojin uma baahno ee waaba walaalkaa , ee gabadheeyda maxaa kaaga soo uray wiilkasa , waaba nin ku dhaqan karo e

Raaxo: hadii uu i dhaqan karo aniga iyo asiga maba kala tagi laheyn somahan , oo sababtii aan u kala tagnay ayaa ilaa iyo hada taagan ee aabo , wilkaasi sidaasi ha igu dhaafo , aniga dhowr jeer ayaan wacay oo aan u sheegay in aan wiilkale jeclahay oo aan rabo in aan nolo cusub galo , hadane diyaar uma ihi in aan mar danbe aan la noolaado

Aabo Ahmed: haye gabadheeyda , wiilka asiga wuxuuba sheegaayay in uu yahay wiilasha yurub ku halabay oo aanba waalidkiisa ka war haaynin ee hadalkasi maxaa ka jira ?

Raaxo: aabo , hadii aay qof nolosha ka dhacday asiga ayaa nolosha ka dhacay oo meelahaas jaad ku cuno , wiilkaan waxne wuu bartaa wuuna iska shaqeystaa , waalidkiisne wuu ka wayhayaa , waana wiil la yaqaano oo aniga ayaa ku baraayo marka aan goaansano in aan is guursano

Aabo Ahmed: gabadheeyda waxaan jeclahay in aad walaalkaa qancisyo oo aad la noolaato si aad famile wanaagsan u dhisataaan

Raaxo: aabo macaan , aniga walaalkeey walaaltinimo ayaan u jeclaa , balse hada magaciisa ayaanba maqli karin oo maxaa yeelay dhowr jeer ayaan isku dayay in aan ka dhaadhiciyo in aan wiilkaan kale aan jeclahay , asigane wuxuu ila hadlay sida in uu xoog igu guri geysan karo ee aabo , raali noqo in aan si adag kuula hadlo , balse ma rabo in aan wilkaada mar danbe xaas iska dhaafee aan xit guri la seexdo .

Aabo Ahmed ayaa arkay in aay gabadhiisa saxan tahay misane aay rabto in aay nolol cusub bilaawdo

Aabo Ahmed wuxuu goaansaday in uuna gabadhiisa qofna aayna raali ka aheyn ku dirqinin, asiga oo niyada iska dhahayay HORAY AYAAD WIILKAAN GABADHAADA UGU DARDAY WUUNA DHAQAN WAYAY , MARKA SI AAYNA GABDHAADA KAAGA XANAAQIN GOAANKEEDA KU RAAC

raaxo iyo aabaheyd , wixii aay dooda socotayba waxaa lagu hishiyay in aay raaxo wiilka aay ku qanacsantahay keensado oo aan mustaqbal wanaagsan oo aay ku qanacsantahay dhisato

dhanka kale cabaas iyo asiga oo loor murugo ah xanbaarsan ayuu holland dib ugu soo noqday , oo wuxuu ka murugsanaa , sida uu xaalka noqon karo

oo cabaas wuxuu aad ooga cabsi qabay in uu ninkaan kale ka guuleysto oo aay raaxo nin kale xaas u noqoto waliba asiga oo mudo dheer u xayirnaa

cabaas , wuxuu bilaaway in uu heesaha jaceylka dhageysigooga badsado bal si uu muragada uu qabo iskaaga yareeyo

cabaas oo canjalkii muragada u shidantahay ayaa waxaa soo wacday gacalisadiisa raaxo oo u sheegtay in ninkeedi hore uu abaheyd ku dacweeyay

raaxo oo qosleeysa ayaa gacaliyaheeda ku dhahday

Raaxo: macaanka is daji hee , aabo wax walbo waan ka dhameyay marka aan u sheegayne in aan adiga ku jeclahay aad ayuu ugu farxay waliba asiga oo i dhahay , waxaad la socotaa wiil dad fiican ka dhashtay ee haku dheelin wiilkaasi

Cabaas ayaa hadalkaasi aad ugu farxay oo farxad daraadeed hadalkii ka soo bixi wayay

dhanka kale raaxo ayaa dareentay in u gacaliyaheeda aad ugu farxay hadalka cusub ee aay u sheegtay

dhanka kale ninkii hore ee raaxo , magaalkiisa ayuu iskaaga jiray , oo wuxuu ka war sugayay aabo axmed

ninkii hore wuxuu aaminsanaa in uu yahay ninka kaliya ee raaxo guursan karo, oo uu markasto dhanka famileka ka marayo

wixi uu waqtiga is gurayba , waxa la soo gaaray xiligi runta leysku sheegi lahaaa

Aabo Ahmed ayaa goaansaday in u wilkiisa waco una sheego , in uu gabdhiisa horay u siyay misane uu dhaqan wayay , walibane wuxuu goaansday in uu ku dhaho , aniga gabadheeyda in aan mardanbe qof ku dirqiyo malaga yaabo, oo wixi hada ka danbeeya dooqeeda ayeey u xurtay ee hadaad wax ka soo dhameysto waad u fasaxantahay balse ha dirqinin

ninkii hore ee raaxo asiga oo dhalinyaro iskala baashaalayo ayaa waxaa usoo dhacay telfoon

markii uu arkay in uu telfoonka adeerkiis ahmed yahay ayuu aad ugu farxay waliba asiga oo is leh in farxad lo wado

aabo ahmed ayaa sheekada ku bilaaway

Aabo Ahmed: .......................

Qeybta 21aad

Ninkii hore ee Raaxo ayaa asiga oo farxad ka muuqato telfoonka qabtay waliba asiga oo ku bilaaway\

Ninkii hore: adeer macaan aad baan kuu salaamay

Adeer Ahmed: igaarkeeyga waan qaaday salaanta ee xetahay buuqa aad ku jirto

Ninkii hore :adeer dhalinyaro ayaan iskala bashaalayaa, ee Raaxo mala hadashay adeer , aniga iyo Raaxo in aan labo meel ku kala noolaano waa wax laga fiicanyahay e

Adeer Ahmed: igaarkeeyga , raaxo waan la soo hadlay waana wareeystay , wixii jirone waan u sheegay

marka aay sheekada intaasi mareyso ayuu fikir yar galay , waa ninkii hore e

adeerka ayaa hadalkiisa iska sii watay waliba asiga oo leh

Adeer Ahmed: aniga gabadhaasi horay ayaan kuu siiyay waliba ayada o anan raali ka aheyn , in aan gabadheeyda maalin kastone wax ku dirqiyo waa laga fiican yahay , o anigaba waan jeclahay in waxkasto oo aay nafsadeyda ku farxeeyso aan helo , dabcan ayadane sidaasi oo kale

Ninkii hore: adeer hada maxeey ku dhahday ayada

Adeer Ahmed: aniga waxeey i sheegtay in aay wiilkale rabto in aay nolasha la wadaagto , waliba uu yahay wiil aan si wanaagsan u aqaan.

Ninkii hore: adeer hada ma waxaad ku qanacsantahay in aay gabadheena nin kale aay xaas u noqoto , adeer somali ayaa horay u dhahday WAXAA TAQAANO GUURSO WAXAA TAQAANO AYEEY DHALAAN

Adeer Ahmed: adeer qaladka aniga ma lihi oo gabdhaasi waan ku siyay waadna xanaaneysan weysay , mar danbone in aan wiil ku daro oo aayna raali ka aheyn ma rabo , marka hadii aad ii keento ayada oo kugu qanacsan , waa kugu darayaa , balse gabadha ha iga dhibin hana murjinin , dooqeedane i daay , hadii uu nin fiican yahay ama nin xun ayada ayeey an facee e

Ninkii hore: adeer ma ogtahay hadii aay nin aan wanaagsaneeyn guursato in aay magaceena hoos u dhigeyso

Adeer Ahmed: beentaa mahan , balse waxaan diyaar u ahay in aan gabadheyda farxadeeda ka shaqeeyo , intii aay gabdheeda curudka ah iga xanaaqi laheyd waxaan ka jacleystay in aan waxeey doonto u sameeyo si aan aabo fiican u noqdo

Ninkii hore aya marka aay sheekda halkaasi mareyso indhahiisa biyo ka soo daateen , waliba jirkiisa oo dhane is badalyay

dhalinyaradii la joogtay ayaa fahmay in uu ninka odayga ah xaalka meel xun ka marayo oo meeshi aay ooga wada tageen si uu telfoonkiisa u dhameysto

mudo dhowr daqiiqo ah ayeey doodayeen asiga iyo adeerkiisa , balse waxeey u ekaatay in uuna waxba meesha ku heeynin

wixii aay dooda socotaba Adeer Ahmed ayaa wiilkiisa ku dhahay

Adeer Ahmed: igaarkeeyga , i dhageeyso , waxaa tahay wiilkeeyga aan jeclahay , laakin mid aan kuu sheego , naag hadii aay kaa sii jeedo maleysku dirqiyo , gabar ku nacdayne sida aay markale dib kuugu soo jeclaato waa dhib badantahay , aniga waxaan ku dhihi lahaa , gabar kale oo wanaagsan iska guurso , waxaa laga yaabaa , in aay raaxo kaaga wanaagsanaanto

Ninkii hore: beentaa mahan , balse aniga waxaan jeclahay in aan walaasheey aay xaas ii noqoto

Adeer Ahmed: Adeer , somali ayaa horay u dhahday , SIDAAD RABTO HADAAD WEYSO SIDA AAD KA BADINWEYSO AYAA LA SAMEEYAA

Ninkii hore ee raaxo , dooda ayaa ka dhamaata misane asiga oo waxba faraha ku heynin ayuu adeerkiis macsalaameeyay

markii uu telfoonka isa saaray ayeey fikrad ku soo dhacday oo ah , in uu warqad u qoro raaxo waliba asiga oo leh

KA: Naf ku jecel balse aad ka sii jeedo
Ku: Naf aan jecelyahay balse iga sii jeedo

Gacaliso aadbaan kuu jeclahay , igane raali noqo hadaad qalad iga tabaneyso , makaa filaneynin in aad sidaan oo dhan ii ilooweyso balse aduunka wax walbo ayaa laga fishaa

xiliga aan warqadaan qorayo ilin baa ka socoto indhaheeyga oo waxaan ahay qof wax jacel , waxaan rajeynayaa in aad dareemi doonto xanuunka i hayo oo aad adiga uun daawada u tahay , gacaliso isku day in aad fursad qaali ah i siiso si aan ooga faaideyso , wixii dhacay aniga raali maka aheyn balse alle xagiisa ayeey ka qornaayeen

xabiibti geeraarkan gabaan ee aan hawada kuu soo marinayo bal aqri adiga oo niyada ii furayo si eray walbo o aan soo qoray uuna kuu dhinac marin :-

Gacalisadaan jeclaayeey
Guud ahaan adduunyada
Adaan kaa garwaaqsaday
Gaduudkaaga dhiinka ah baa
Gebigeey isaaqay
Axdigii hagarabmarin
Guursanmaayo inan kale
God inaad gasho mooyee
Ama aad igoysaa
Garaadkey wuxuu isiiyey
Guur inaan yagleelnoon
Gurigeey ku geystoon
Gogol kugula seexdo
Ee gef miyaa gacalooy waa mooduuc wacan

waxaan kaa sugayaa jawaab wacan oo aan ku qanco , waxaana diyaar u ahay in aan nolol cusub oo aan ku wada qanacsanahay aan dib u bilaawno si aan nolosha macaanteeda udhadhamino

Ninkii hore ee raaxo , asiga o naxsan walibane jareeynayo ayuu warqada geeyay goobaha warqadaha laga dirsado waliba asiga o farankaboolada (QALABKA WARQADAHA LA DIRAYO LAGU DHAJIYO ) sida qof jini qabto ugu dhoobay si warqadiisa aay mar uun u gaarto gacalisadiisa raaxo

dhanka kale raaxo wax war ah maka heynin halka aay wax marayaan , oo hoowl maalmeedka ayeey iska heystay oo marka aay fursad heysano gacaliyaheeda cabaas ayeey qadka telfoonka ugu shekeyn jirtay

dhanka kale cabaas , xoogaa wicitaanka badan wuu ka joojiyay raaxo , si uu fursad ugu siiyo in aay waxyaabaha jiro iskaa soo xaliso , waliba asiga oo gacalisadiisa ku dhahay

Cabaas :macaanto hadii aan ku soo wici waayo qalad ha ii fahmin , oo waxaan la socdaa in aad mashqulsantahay oo aay arimo badani kugu furfuranyihiin , mana rabo in aan ku soo waco xili aad mashquulsantahay , marka inta aad arimahaane meel soo saareyso xoogaa wicitaanka badan waan kaa yareynayaa

Raaxo aad beey u fahantahay waxa uu gacaliyaheeda ku hadlayo , weeyna ka ongolaatay , balse waxeey ka codsatay in aay xiliga aay doonto soo wici karto

dhanka cabaas , aad buu u murugsanaa xaalka , waliba aad buu u sii naxay marka loo sheegay in arinta aay raaxo waalidkeeda gaartay , oo ninkii hore dacwooday

Lamaanahaan is jecel aan wali faraha isku dhigin ee raaxo iyo cabaas , maka war heeynin in ninkii hore loo soo deeyriyay oo la dhahay raaxo waa aay fasaxantahay

dhanka kale Aabo Ahmed wuxuu goaansaday in uuna raaxo wicin uuna arimaha jiro waxba kala socodsiinin

balse raaxo ayaa dhowr jeer aabaheyd weydisay halka wax marayaan , balse wuxuu hadalka ugu soo gaabiyay WIILKEYGA WAAN IS MAQALNAY, ANAGA OONA IS DAGAALIN AYAAN KALA TAGNAY , WAXAANA U SHEEGAY IN AAD GABAR MADAX BANAAN TAHAY OO UUNA KA XUMAAN KARIN IN AAD NINKALE LA SOCOTO , BALSE AAD AHAATO GABAR ASTURAN ADIGANE

raaxo hadalkaasi meel aay u wado ayeey fahmi weysay , balse waxee iska goaansatay in aay gacaliyaheeda cabaas dhuuqsato oo aay jaceylkeda ka run sheegto , oo aaynaba isku mashquulin hadalkaani

wixii uu waqtiga socdayba , warqadahii sida wanaagsaneyd loo soo qooray , waliba shirkada boostada laga soo dardaarmay in aay ayada oo nadiif ah raaxo loo geeyay ay aa la keenay

raaxo ayaa dareentay in aay tahay warqada tahay warqad muhiim ah , balse ina soo qaadatay qolkeeda ka jiifka ah la gashay ayeey damacday in aay furto

hadane waxeey is dhahday , yaa soo diray horay ,maxaana ku qoran

raaxo warqada furitaankeeda aad beey uga shakisay waliba ayada oo is leh, amuu cabaas ku soo diray oo uu kaa xanaaqsanyahay

markii aay warqada furtay ayeey waxeey ku dhax aragtay ubah aad u wanaagsan o lagu soo sawiray , halka dhinaca gadaalne aay warqad qof far wanaagsan leh soo qortay ,

raaxo ayaa iska markiiba aqris ku bilaawday , waliba ayada oo ka calool xumaatay hadalada ka soo yeeray ina adeerkeda

raaxo warqada waxeey aqristay labo jeer, waliba ayada oo dareemi weysay halka uu xaalkeeda marayo , marka waa aay xanaaqdaa , marka kalene waa xumaataa , halka dhinaca kalane aay dareemeeyso in aay qof jacesha

raaxo garan weysay meel aay hadalka ka bilaawdo , waliba ayada oo goaansatay in aayna gacaliyaheeda u sheegin warqada uu soo diray ninkeedii hore misane ah ina adeerkeeda

raaxo xanaaqii aay walaalkeeda u qabtay waxaad moodaa in uu isku badalay murug iyo fikir

3dex maalmood ka dib ayeey dareentay in aayna codka cabaas maqlin misane uuna wax SMS-AH usoo dirin , raaxo ayaa goaansatay , in aay marka hore warqad jawaab ah qorto ka dib aay wacdo cabaas , si aay u ogaato bal halka uu xaalkiisa marayo

raaxo ayaa marka aay warqada qalinka bilaawday ilin(ooyin) indhaheeda ka so taageen , misane goaansatay in aay ina adeerkeeda u sheegto waxa aay dareemeeyso

WARQADA AAY RAAXO QORI DOONTO , WAXAAN JECLEYSTAY IN AAY AQRISTAYAASHA FIKIRKOODA SALIIMKA AH KA SOO DHIIBTAAN,

Qeybta 22aad

Raaxo oo murugeysan misane garan la’ wax aay ugu jawaabto ina adeerkeed ayaa goaanstay bal in aay warqada ku qorto eray walbo oo niyadeeda tusiso

Waxii aay fikirtaba ugu danbeynti waxeey soo fadhiisatay miiskii aay ku qori laheyd warqadii loo soo diray jawaabteeda.

Ka: walaasha Raaxo
Ku: Walaalkeeyga qaaliga ah

Eboow aad baan kuu salaamayaa, waxaana kaaga mahadcelinayaa warqada aadka u quruxda badanle oo aad isoo qortay , waliba adiga oo aad iga soo sheekeysay wixii aay niyadaada tabeeysay ,
Dabcan waxaan goaansaday in aan jawaab wacan misane aad ku qanacdo aan ku soo qoro

Aniga xiligaan la joogo wax xumaan ah oo aan kuu qabo malahan , waliba waxa tahay walaakeeyga qaaliga ah oo aan jeclahay , waan jeclahay in aan ku siiyo fursad laakin taasi suuragal ma ahan, oo wiil aan horay balan ooga qaaday misane aan ooga baxay ayaan dib isku helnay , dabcan waana laga wanaagsan yahay in aan marlabaad balanta ooga baxo oo aan qalbigiisa dhaawaco .

Walaal , ha iga xumaanin waxaan ahay qof qof kale jecel , oo fanaanbaa horay ugu heeysay (NAFTEEYDU NAFBEEY RABTAA, NAFTUNA NAFKALEEY RABTAA)
Marka waxaan jeclaan lahaa in aad iska key iloowdo oo aad walaaltinimo ii xushmeeyso , laakin inta aan wiilka aan hada la socdo uu xariirkeena jiro diyaar uma ihi in aan qofkale wax la qeybsado misane aan been u sheego

Xiligaan aan warqadani qorayo indhaheeyga ilin baa ku taal ee isku day in aad i fahanto oo aad dhihin wixii aan rabo waa in aan helaa

Qeyr badan baan kuu rajeynayaa waxaana filayaa in aad muhiimadeeyda hadalkeeyga fahantay

Macsalaamo



Raaxo ayaa durba warqadii horay ka dirtay waliba ayada oo is leh , bis wayay oo kallkaan wuu qancayaa

Dhanka kale cabaas , shaqadiisa iyo iskuulkiisa ayuu u dhaxeeyay xiliyada uu gacalisadiisa raaxo soo xasuustane , wuxuu isku mashquulin jiray GAME(playstation)

Wuxuu uu waqtiga is guraba raaxo marii aay warqada dirtay ayeey horay ka soo wacday gacliyaheeda cabaas

Raaxo: waan ku salaamay gacaliye

Cabaas oo digtoonaan ku jiro

Cabaas: mid la mid ah
Raaxo: gacaliye maxaa kugu dhacay jawaab anan ku qancin ayaad isiisay e

Cabaas: marka hore waxaan jeclaan lahaa in aan ogaado waxa iska kaa badalay si aan difaaca uga baxo , sababtoo ah 3dex isbuuc wax aqbaar ah malagaa hayo cml

Raaxo: aboowe xoogaa waan mashquulsanaa somahan

Cabaas: haa , haye hada mashquulkii maka soo baxday mise

Raaxo ayaa dareentay in uu xaalka cabaas kacsan yahay misane uu xanaaqsan yahay balse ugu danbeeyntii waxeey ku guuleysatay in aay cabaas qanciso

Cabaas o hadlaya ayaa dhahay

Cabaas: macaanta , warka soo daay hee , xageey wax marayaan , oo wixii dhacay o dhan ii faahfaahi waliba adiga oo aan waxba iga qarin

Raaxo ayaa goaansatay in aayna waxba ka qarin cabaas oo wixi jiro u sheegto

Raaxo: macaanka , ninkii aad taqiinay warqad aad u quruxbadna misane habeynteeda in waqti badan lagu soo baxshay aan qiyaasayo ayuu isoo diray waliba asiga oo dhahayo in uu yahay nin wax jecel oo laga maqan , walib aaan aniga ahay qofka u jecelyahay , wuxuuna iga codsaday in aan fursad siiyo in aan wax meel iskula dhigno oo iiga dhaadhiciyo waxa uu damacsan yahay , asiga oo warqada ku soo gabagabeeyay in uu rabo in aan dib isku guursano.

Cabaas: (asiga oo dhidid ka socdo ayuu ku jawaabay ) haye , ka dibne maxaa dhacay

Raaxo: aniga wax aan sameeyo ayaan kasi wayay , hadalada oo iisoo qoray caloosha ayaa igu jilacday oo xooga waan calool dabcay , wax aan uugu jawaabone waan kasi wayay aniga

Cabaas oo hadalada jiljilcan ee raaxo ka soo baxayo aad ooga xanaaqay aya ku dhahay

Cabaas: waxaa ila wanaagsanaan laheyd in aad ugu jawaabto waxa uu qalbigaada kuu tilmaamayo

Raaxo: dabcan hada wixii jawaab ah waan u diray , walibane waxaan u sheegay in aayna suuragal aheyn in aan fursad siiyo , oo aan ahay qof wax jecel oo aan adiga ku jeclahay , oo balse waxaan ka baqaa in uu hadaladaasi ka xumaado

Cabaas: raaxo. I dhageeyso aniga , jaceylka waxaa wanaagsan in aay labada qof ka run sheegaan , aniga waan ku jeclahay been ma ahan , balse diyaar uma ihi in aan xiriir kula sameeyo adiga oo uu qalbigaada shaki ku jiro , diyaarne uma ihi in aan qofkale adiga kugula tartamo, caawa waxaan ku siinayaa fursad qaali ah , taasi oo ah in aad fursad siin karto ina adeerkaa oo aad u fasaxantahay in aad xaas u noqoto waa hadii ad jeceshahay e

raaxo: qaali sideed u hadlee aniga waan u sheegay in aan adiga ku jeclahay

Cabaas: aniga wixii aadi dhahday uunbaa tixgalinayaa , been mahan in badan baan ku sugayay oo aan kuu so sabray , hadane diyaar uma ihi in aan u sabro waxa aad ku hadleyso , caawa waxaan kuu sheegayaa in aad tahay gabadha kaliya ee aan aduunkaan ka doortay laakin waxyaaba qaar raali maka noqon kari sorry

Doodii raaxo iyo cabaas waxaad moodaa xoogaa in aay hawada isku shareertay oo cabaas xooga maseer ah taabtay

Dhanka kale raaxo ooyin ayeey ka bixi weysay oo waxeey noqotay waa sida aay somalida tiraahdo e (DIKSI (DHARI) LABADA DHINAC KA GUBTAY )

Raaxo waxeey goaansatay in aay cabaas qanciyo oo aay raali galiso walibana aay u balan qaado in aay mardanbe hadalada nuucaas oo kale ah ula imaan doonin

Raaxo marka aay telfoonka dhigtay ayeey goaansatay in aay iska guursato o aay gacaliyaheeda cabaas xaas u noqoto , si uu ninkeedii hore u qanco

Raaxo aadbeey ugu adkey in aay cabaas guur usoo bandhigto ayada oo ka xishooneeysa daraadeed balse waxeey goansatay in aay warqad dhanka emailka ah u soo darto ayada oo tusineyso in aay guur diyaar u tahay

Balse inta aayna warqada qorin ka hor ayaa waxa usoo dhacay telfoon kaasi oo ahaa ninkeedii hore oo raba in uu ka mahadceliyo warqada jawaabta aheyd ee loo diray

Raaxo ayaa marka aay telfoonka qabatay ku bilaawaaday
Raaxo :……………..

Cunugaaga ilaalso markaad dhashid ’’Qiso cajiib ah’’ !!!

 

Qisadan ayaa waxay kudhacday haweeney lagu magacaabo Yulia oo u dhalatay dalka rushka iyo nin isagana lagu magacaabo ’’Naimat’’ oo u dhashay Tajikistan oo jooga dalka rushka. Yulia ayaa gabar ugu dhalatay isbitalka magalada aay kunooshahay sanadka markuu ahaa 199, si lamid ah ayaa Naimat ugu dhalatay gabar isla isbitalkaas.
Mudo laga joogo bil ayaa Yulia waxay kala tageen ninkii aay wada joogen taas oo kudhalisay qilaaf dhanka dhaqaalaha, waxa aay go’aansadeen in aay maxkamad utagaan si loo xaliyo qilaafkooda hase ahaatee maxkamadii ayaa waxa aay go’aaminsay in aay DNA kaqaado si aay u ogaadaan in aay ayaga dhaleen gabadha.
Mudo yar kadib maxkamada waxay soo gudbisay jawaabtii DNA-ga taas oo kudhalisay yaab iyo fajac walidkii gabadha kadib markii lagu dhahay idinka madhalin gabadha.
Booliska ayaa usheegay waladka gabadhan in markay taarikhdu ahayd 19 December 1998 uu qalad kadhacay isbitalka aay kudhalatay, markii aay labo kamid ah caruurta dhalatay malintaas si qalad ah loogu kala dhajiyey magacyadooda oo aay walidintooda siidaas ku kala qateen.
Haweeneydan lagu magacaabo Yulia ayaa waxay tiri ’’markii hore waxaan u maleynayey kaftan lakiin markaan xaqiidka ogaaday oohin ayaan kabixi waaye oo waxaan kafakaray waxa aay igu dhihidoonto gabadheyda saxda ah markaan helo iyo xaladaha aay kusugantahay’’. Haweeneydan ayaa tiri ayadoo sii wadaneyso hadalkeeda ’’Waxaan go’aansaday in aan raadiyo gabadheyda saxda ah anigoo kashanaya booliska.
Nasiib wanaag tuulo 30-qo ujirta halka aay Yulia kunooleed ayaa waxaa lagahelay gabadheeda saxda oo korsaday nin muslim ah oo lagu madacabo *Naimat* gabadha yar ayaa lagu magacaaba ’’Anya Iskanderoova’’ oo waxaay u egtahay hooyadey oo Yulia ah.
Naimat waxaa uu kasoo jeeda Tajikistan oo waa nin muslim ah, waxaa uu guursaday haweeney ruush ah tasoo u dhashay gabadhan aay soo korsatay Yulia, Naimat ayaa waxaa aay kala tagen xaaskiisa sanado kadib markii aay dhalatay gabadhiisa saxda ah. Nasiib daro Anya waxaa uu uheysataa in aay tahay gabadhiisa saxda ah, booliska ayaa usheegay qaladka dhacay hase ahaate waa aay ka dhaadhicin wayeen.
Kadib booliska ayaa tusay sawirka gabadhiisa saxda ah, Naimat ayaa wuxuu yiri ’’Markii aan arkay ayaa waxaan ismooday in aan muyaarad’’ wuxuu intaas raaciyay ’’waa xaalad adag in aay gabadheydu lakorto reer kale anigane aan koriyo mid kale’’. Waqtigaas kadib labda reer ayaa waxaay go’aansadeen in aay u kulmaan si joogta ah balse xaaladooda ay sahlaneen waayo reer waa muslim reerka kale waa kiristan, waxaa jiraa dhaqamo kala duwan.
Naimat ayaa waxaa uu yiri ’’Waxaan kacabsanayaa gabadhii aan soo koriyay ee muslimada ah in aay bilaawdo cabida qamriga, kalaabyada aado, saladane katagto, waxaa kale oo wal wal ugu abuuray in aay diinta islam kabaxdo oo aay kiristanka ku wareegto.
Yulia ayaa qirsan in farqi weyn uu udhaxeeyo noleeshada iyo mida aay kusoo kortay gabadheeda . Gabadhii aay Yulia soo korisay oo lagu magacaabo *Irinna* ayaa waxay shegtay in aay kuqanacsantahay in aay lajogto aabaheed halka midii aay dhashay aaysan ku qanacsaneen in aay lajoogto hooyadeed.
Labadan qoys ayaa waxaay go’aan kugaaren in aay isbitalka aay caruurta kudhasheen maxkamad la fuulaan oo aay kadalbadaan lacag gaareyso $300,000. Dhaqtarka ugu sareeya isbitaalka ayaa Telefiyonka kabixiyay raali galin balse oo sheegay in uusan awoodin isbitalka i uu bixiyo lacagtan.
Labadan gabdhood ayaa hada doonaya in aysan kala badalanin waalidiintood, waxa aay kufaraxsanyihin in aay isbarteen oo waxay noqdeen saxiibo isku fiican, marlabaad  gabadha muslimada ah ayaa waxay shegtay in aay doonayaan in hal meel kuwada nooladaan.
 SUAL:
1.      Makulatahay gabadha muslimada ah in aay dinteeda kabexeyso?
2.      Yulia ma gabar ayey heleysaa labadiiba waxaa aay jecelyihiin in aay lajoogan Naimat?
Abdirauf

 

Qeybaha kala waan kusoo daridonaa ISHA'ALLAAH

About Us

SOMALI BANTU ARE OUR PEOPLE

Contact Us

SOMALI BANTU

  • north east,kenya
    Garis (dadaab camps)
    Kenya

dadaabbantu.kbo.co.ke